Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Image

Geneva – Sida lagu sheegay heshiis ganacsi oo lagu gaaray magaalada Geneva, Mareykanka ayaa oggolaaday inuu hoos u dhigo canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha Shiinaha, isaga oo ka dhigay 30% halkii ay hore uga ahaayeen 145%.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa isna heshiiska qaybtiisa ku waafaqay inuu yareeyo canshuuraha uu ku soo rogay badeecadaha laga keeno Mareykanka, kuwaasoo laga dhigay 10% halkii ay hore uga ahaayeen 125%.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo yareynaya xiisadda ganacsi ee u dhaxeysay labada quwadood ee dhaqaale, taasoo si weyn u saameysay dhaqaalaha dunida tan iyo 2018-kii. Mudo 90 maalmood ayay soconaysaa hoos u dhiga canshuuraha.

Asalka Xiisadda Canshuuraha

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump oo ku eedeeyay Shiinaha in uu ku kacayo dhaqan ganacsi aan cadaalad ahayn, xatooyo xagga hantida aqooneed ah, iyo inuu si khasab ah uga helo sirta farsamada shirkadaha reer galbeedka.

Trump wuxuu sare u qaaday canshuuraha badeecooyin kala duwan oo laga keeno Shiinaha, taasoo keentay in Shiinaha uu si lamid ah uga falceliyo, isagoo canshuuro badan dul dhigay waxyaabaha laga dhoofiyo Mareykanka sida soya, qalabka farsamada, iyo baabuurta.

Xiisaddan ayaa sababay hoos u dhac ku yimid ganacsiga labada dal iyo walaac weyn oo ka dhashay suuqyada caalamiga ah, gaar ahaan kuwa saamiyada iyo warshadaha.

Rajo Cusub

Heshiiskan cusub ee lagu gaaray Geneva ayaa noqonaya isbedel weyn oo rajo gelinaya suuqyada caalamka iyo ganacsatada, iyadoo la filayo inuu dib u soo nooleeyo xiriirka dhaqaale ee labada quwadood, islamarkaana hoos u dhigo khilaafaadka ganacsi ee weli taagan.

Weli lama faahfaahin dhammaan qodobbada heshiiska, balse saraakiil ka tirsan labada dal ayaa sheegay in wadahadaladu ay sii socon doonaan si loo gaaro xasillooni buuxda oo ganacsi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM