Mareykanka: Nin afduub u maleegay mas'uul sare oo la xukumay

Image
Adam Fox, oo 39 jir ah, ayaa lagu waramay in uu ahaa maskaxda ka dambeysay shirqoolkan dhicisoobay.

WASHINGTON, United States of America - Hogaamiyaha shirqool la doonayay in lagu afduubo barasaabka gobolka Michigan, Gretchen Whitmer, ayaa waxaa lagu xukumay 16 sano oo xarig ah.

Adam Fox, oo 39 jir ah, ayaa Talaadadii waxa uu ka soo hor muuqday garsooraha maxkamad heer degmada oo lagu magacaabo Richard Jonker kaasoo fadhigiisu yahay Grand Rapids.

Horaantii sanadkan, Fox oo ay wehliyaan dabley ayaa waxaa lagu helay danbi ah inuu qorsheynayay inuu haweeneyda la yiraahdo Whitmer ka afduubo gurigeeda xilli ay fasax ku joogtay halkaas.

Kooxdan burcadda ah ayaa beegsatay gudoomiyahan ka tirsan xisbigan Dimuqraadiga sanadka 2020 sababo ku aadan in ay si weyn uga soo horjeeday xayiraadihii loosoo rogay Covid-19 awgiisa.

Bishii Ogosto, xeerbeegtida ayaa go'aamiyay in laba nin ay maleegeen dambiga laguna helay hubka wax gumaada ee bamka ayna doonayeen in ay isaga caabiyaan falcelinta laamaha amniga.

Bishii Oktoobar oo u soo baxay go'aan kale oo saameyn weyn ku leh kiiskan, saddex nin oo kale ayaa lagu xukumay inay taageereen shirqoolka ka dhanka ah Ms Whitmer.

Xeerbeegtida ayaa ku helay Joseph Morrison, 28, soddoggiis Pete Musico, 44, iyo Paul Bellar, 23, in ay xubin ka ahaayeen burcad, ku xadgudubka hubka iyo bixinta agab lagu taageerayo argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM