Mareykanka oo China ku eedeeyay weerar dhanka internet-ka ah

Image
Falkan ayaa lagu beegsaday nidaamka Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka horaantii bishan.

WASHINGTON, USA - Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in hacker-ka ay dawladda Shiinuhu taageerto uu jabsaday nidaamka Waaxda Maaliyadda ee Maraykanka horaantii bishan.

Sidda ay sheegeen saraakiishan, hacker-ka ayaa dhex-galay nidaamka isaga oo qaatay macluumaadka shaqaalaha iyo qaar ka mid ah dukumeentiyada xasaasiga ah.

Waaxda Maaliyadda ayaa falkan waxa ay ku tilmaamtay "xadgudub weyn" ka dib markii ay ku shaaciyeen warqad ogeysiin sharci-dajiyayaasha dhacdada.

Hay’addan sida weyn looga tixgeliyo Maraykanka ayaa sheegtay inay kala shaqaynaysay FBI-da iyo hay’ado kale, si loo baaro saamaynta ay ku yeelatay jabsiga.

Shiinaha ayaa beeniyay inuu wax lug ah ku leeyahay weerarka, isagoo eedeynta ku tilmaamay eedeynta "mid aan sal iyo raad toona lahayn" wuxuuna sheegay "inay si joogto ah uga soo horjeedo dhammaan noocyada jabsiga".

Talaabadan ayaa waxay tahay xadgudubkii ugu dambeeyay ee heerkan gaarsiisan h iyo jebinta hay'adaha Mareykanka ee lagu eedeeyo burcadda basaaska Shiinaha.

Eedeyntan ayaa waxay daba socotaa jabsiga kale ee shirkadaha isgaadhsiinta bishii Diseembar taasi oo suurtagal ah inay jabiso xogta diiwaanka taleefoonka ee guud ahaan bulshada Maraykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Ku Dhawaaqay Canshuuro Cusub Oo 30% Ah Ka Dhan Ah Midowga Yurub Iyo Mexico

Warqadda uu u diray Midowga Yurub ayuu Trump ku sheegay in khasaaraha ganacsi ee Maraykanka.

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 01:30PM

Israel oo markale weerari doonta Iran

Saraakiisha Israa'iil iyo Pentagon-ka ayaa hadda qiyaasaya in weeraradii ugu dambeeyay ay barnaamijka Iran dib u dhigeen ilaa laba sano. 

  • Caalamka

    12-07-2025

  • 11:07AM