Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay dalal dhowr ah

Image
Maamulka Biden ayaa talaabooyinkan u cuksadey ilaalinta dimuqraadiyadda iyo xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah.

WASHINGTON, USA - Mareykanka ayaa cunaqabateyn ballaaran oo la xiriira xuquuqul insaanka ku soo rogay tobanaan qof iyo hay’ado xiriir la leh Shiinaha, Myanmar, Kuuriyada Waqooyi iyo Bangladesh, waxaana uu liiska madow ku daray shirkad sirdoon macmal ah oo Shiinaha laga leeyahay.

Canada iyo Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska ayaa ku biiray Mareykanka cunaqabateynta la xiriirta xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee Myanmar.

Washington ayaa sidoo kale cunaqabateyn cusub ku soo rogtay Waqooyiga Kuuriya. Si lamid ah, maamulka Madaxweyne Joe Biden wuxuu bartilmaansadey ciidamada Myanmar, iyo kuwo kale, talaabo lagu difaacayo Xuquuqda Aadanaha. Maalinta

Hawlgalka Kuuriyada Waqooyi ee Qaramada Midoobay iyo safaaradaha Washington ee Shiinaha, Myanmar iyo Bangladesh si degdeg ah ugamay jawaabin codsiyada faallooyinka.

Tallaabooyinkan ayaa ah kuwii ugu dambeeyay ee cunaqabatayn lagu soo beegay iyadda oo Biden labadii maalmood ee Shir-madaxeedka Dimuqraadiyadda, halkaas oo uu kaga dhawaaqay dadaallo lagu xoojinayo dimuqraadiyadda adduunka iyo taageeridda sharciga dimuqraadiyadda ee Mareykanka.

Maamulka Biden ayaa marar badan ugu baaqay Kuuriyada Waqooyi in ay wada hadal ka gasho barnaamijkeeda Nukliyeerka iyo gantaallada, iyadoo aan lagu guuleysan.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa Jimcihii sidoo kale ka mamnuucday 12 qof inay u safraan Mareykanka, oo ay ku jiraan saraakiil ku sugan Shiinaha, Belarus iyo Sri Lanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo ku eedeysay qaar ka mid ah dalalka Khaliijka inay ka qeyb qaateen weerarrada Mareykanka

Afhayeenka ayaa sheegay in Iran ay weli doonayso xiriir wanaagsan oo ay la yeelato dalalka deriska ah.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 12:33PM

Trump oo hakiyay duqeymihii Mareykanka ee Iran si fursad loo siiyo wada-hadallada

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa la filayaa inuu booqdo Aqalka Cad, halkaas oo uu kula kulmi doono Trump.

  • Caalamka

    27-07-2026

  • 11:31AM