Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga

Image

WASHINGTON, US – Maamulka madaxweyne Donald Trump ee Mareykanka ayaa Isniintii wuxuu daaha ka rogay in uu cunaqabateyn uusan fahfaahin ka bixin kusoo rogay xulufadiisa ka tirsan Gaashaanbuurta NATO ee Turkiga.

Mike Pompeo, xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka oo war-saxaafadeed soo saarey, ayaa sheegay in talaabadan ay qaadeen ay si toos ah ula xiriirto iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca Ruushka.

Xayiraadda ayaa dhabaha u xaari karta isku-dhac horleh oo dhexmara labada dal xilli madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Joe Biden, uu isku diyaarinayo in uu si rasmi ah ula wareego xukunka USA.

Pompeo ayaa sheegay in Turkiga u fasaxay Ruushka in uu dhexgalo nidaamka difaaca Gaashaanbuurta NATO iyo ciidankiisa.

Hasa ahaatee, wasaaradda difaaca Turkiga oo meesha ka saartey jiritaanka wararkaas ayaa ku adkeysatay in ay xaq u leedahay in ay soo iibsato nidaamka difaaca Russia ayna cid kale kala tashaneyn.

"Turkiga wuxuu qaadayaa talaabo kasta oo hoboon oo uu uga aargudanayo go'aanka aan cadaaladda ahayn ee Mareykanka," ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa sanadihii dambe isku hayey arrimo ay kamid yihiin iibsashada nidaamka difaaca Russia, dhaqdhaqaaqa Ankara ee Suuriya, colaada Armenia iyo Azerbaijan si lamid ah qadiyada bariga Mediterranean-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM