Mareykanka oo cunaqabateyn saarey mas'uuliyiin ku dhow Putin

Image
Saraakiishan ayaa lagu eedeeayy in ay ku lug-leeyihiin xariga iyo maxkamadeynta siyaasi mucaarad ah.

WASHINGTON, United States - Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay lix qof oo Ruush ah oo uu ku sheegay inay ku lug lahaayeen xiritaanka, maxkamadaynta iyo xadgudubyo loo gaystay hoggaamiyaha mucaaradka Ruushka Vladimir Kara-Murza, kaas oo xabsi loo taxaabay sannadkii hore ka dib markii uu ka hadlay dagaalka Ukraine.

Moscow ayaa Kara-Murza waxay u aqoonsatay "wakiil shisheeye". Waxaa hadda loo haystaa tuhun ah inuu ka faafiyay macluumaad been abuur ah oo ku saabsan ciidamada qalabka sida iyadoo la raacayo sharciyo cusub oo la ansixiyay siddeed maalmood ka dib markii 24-kii Febraayo, 2022, duulaankii Ukraine uu bilowday.

"Maraykanku waxa uu ku celinayaa baaqiisa ah in Kara-Murza si degdeg ah loo sii daayo si shuruud la’aan ah, waxaana muuqata in Vladimir Putin isku-dayayo in uu aamusiyo dadka dhaleeceeya,” ayuu xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ku yiri hadal uu soo saaray.

Cunaqabataynta, oo ay ku dhawaaqeen waaxaha Maaliyadda iyo Gobolka, ayaa lagu bartilmaameedsaday Elena Anatolievna Lenskaya, Andrei Andreevich Zadachin iyo Danila Yurievich Mikheev.

Waaxda Maaliyadda ayaa sheegtay in Zadachin, oo ah baaraha gaarka ah ee Ruushka, uu amray in kiis dambiyeed lagu soo oogo Kara-Murza kadib khudbad uu u jeediyay Aqalka Wakiilada ee Arizona.

Waaxda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sidoo kale xayiraad fiisaha ku soo rogtay Lenskaya iyo Zadachin, kuwaasoo laga mamnuucay in iyaga iyo qoysaskooda dhow inay soo galaan Mareykanka.

Dhinaca kale, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay Wasiir-ku-xigeenka Caddaaladda ee Ruushka, Oleg Mikhailovich Sviridenko, Diana Igorevna Mishchenko, garsooraha xukumay in Kara-Murza la xidho, iyo Ilya Pavlovich Kozlov, oo ah garsooraha diiday racfaanka Kara-Murza kadib markii lagu riday xukunka "foosha xun".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM