Mareykanka oo dil toogasho ku fuliyey nin indhoole ah

Image

WASHINGTON, US – Mas'uuliyiinta ismaamulka Tennessee ee waddanka Mareykanka ayaa Khamiistii waxay dil toogasho ku fuliyeen nin lagu sheegay indhoole ah.

Lee Hall, oo 53-sano jir ah, ayaa waxaa lagu helay dambi ah in uu saaxiibtiis geeri u horseeday sanadka markii uu ahaa 1991-dii.

Khaarijinta Hall oo ka dhacday xabsiga aadka loo ilaaliyo ee Nashville ayaa waxaa loo adeegsaday koronto, sidda ay ku warantay saxaafadda.

Hall ayaa noqonaya qofkii labaad ee dil toogasho lagu fuliyo tan iyo markii dib loosoo celiyey sharciga dilka toogashadda Mareykanka, 1976.

Sidda ay warisay CBS, Lee Hall ayaa doortay in lagu dilo kursiga koronto, halka mas'uuliyiinta doonayeen duritaanka cirbad dhimasho.

Durista cirbadaha dhimashadda ayaa ahayd fursad u banaan maxaabiista Tennessee ee dambiga ka geysta gobolkaas kahor bisha Janaayo 1999-kii.

Goobjoogeyaal ka akhdhowaa halka xukunka lagu fuliyey ayaa sheegay in erayadii u dambeeyay ee Hall ay kamid ahaayeen;

"Dadka waxay u baahan yihiin in ay bartaan baahida loo qabo is-cafiska iyo jaceylka, si dunida u noqoto meel wanaagsan".

Sikastaba, Hall, ayaa sidoo kale noqonayaa qofkii koowaad ee aragga naafo ah ee taariikhda casriga Mareykanka lagu dilo koronto.

Tennessee waa gobolka lixaad ee maxbuusku dooran karo kursiga korontada, balse kaliya ismaamulkan ayaa sanadihii u dambeeyay adeegsanayey.

Shan kamid ah saddexdii maxbuus ee u dambeysay ee lagu toogtay Tennessee ayaa waxay doorteen kursiga tan iyo markii toogashada dib loo bilaabay August 2018-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo Mareykanka ugu baaqay inuusan Turkiga ka iibin diyaaradaha F-35

Turkiga wuxuu ka tirsanaa waddamada iskaashiga ku lahaa soo saarista diyaaradda F-35, wuxuuna qorsheynayay inuu iibsado in ka badan 100 diyaaradood.

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 08:43PM

Trump Oo Farageliyey: FIFA Oo U Fasaxday Cayaaryahan Horey Loo Siiyey Kaarka Cas

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ilo xog-ogaal ah ay sheegeen in Madaxweynaha…

  • Caalamka

    06-07-2026

  • 06:33AM