Mareykanka oo Iran kahor istaagey Shir ay marti-gelin lahayd

Image

TEHRAN - Afhayeen u hadlay Hay'adda Badaha Aduunyada ayaa sheegay in golahooda fulintu ay maalintii shalay ay ogolaadeen soo jeedin ka timid Maraykanka, oo Iran looga joojiyay inay martigeliso Shirka sanadlaha ee IMO.

Soo jeedinta Maraykanka ayaa ku saabsanayd in laga laabto go'aan isla golaheen dalalka Ururka ku jira sanadkii 2014 kaasi oo Iiraan u ogolaaday in ay marti-geliso shir arimaha Badaha looga hadli lahaa kaasi oo dhici lahaa bisha October ee inagu soo wajahan.

Maraykanka ayaa ku eedeeyay in Iiraan ay khal-khal ku hayso Maraakiibta biyaha Caalamiga ah isla markaana bishaan bilawgeedi ay isku dayday in ay qabsato markab shidaal oo dalkiisa laga leeyahay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Iran Nasser Kan'ani ayaa sheegay in tillaabada uu qaaday Maraykanka oo taageero ka helaya UK, ay muujisay cadaawadda ay u hayaan dalkiisa.

Kan'ani ayaa intaa ku daray in tallaabadan ay mucaaradad xooggan kala kulmeen xubno badan oo golaha ka tirsan oo diiday ama ka aamusay soo jeedinta Mareykanka, isagoo carrabka ku adkeeyay in haddii la iska indho-tiro go'aannadii hore ee ururka ay wax u dhimayso madax-banaanidiisa iyo kalsoonida lagu qabo.

Golahan ayaa waxaa xubno ka ah 40 dowladood balse wuxuu go'aanku waji gabax ku noqonayaa Iiraan oo dadaal ku bixinaysay in uu dalkeeda ka qabsoomo shirkaani.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM