Mareykanka oo Israel uga digay isku-balaarin dhulka Falastiin

Image
Dhawaqan ayaa imaanaya xilli Benjamin Netanyahu uu ku dhow yahay in uu xukunka kusoo laabto.

WASHINGTON, USA - Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa ballan qaaday in uu ka hor-imaan doono deegaamaynta ama la wareegida Israa’iil ee Daanta Galbeed ee la haysto, iyadoo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Benjamin Netanyahu uu qarka u saaran yahay in uu xukunka ku soo laabto.

Netanyahu ayaa heshiis isbahaysi la galay xisbiyada midigta fog iyo kuwa degen, oo ay ku jiraan qaar Yahuudnimada ku weyn tahay ka dib markii isbahaysigiisa garabka midig uu ku guuleystay doorashadii November 1.

Falastiiniyiinta ayaa ka cabsi qaba in la dhisi doono degaano kale oo sharci darro ah laga dhiso Daanta Galbeed ee la haysto iyo Bariga Quddus haddii uu soo laabto Netanyahu kaasoo dhabaha u xaarey ballaarinta deegaamaynta rikoorka ah muddadii 12-ka sano ahayd ee uu ahaa ra'iisul wasaaraha illaa 2021-ka.

Deegaamaynta waa sharci-darro marka loo eego shuruucda caalamiga ah waxaana loo arkaa inay caqabad ku yihiin xaqiijinta dowlad mustaqbalka Falastiin ah oo qayb ka ah xalka labada waddan.

“Waxaan sii wadi doonaa inaan si aan leex leexad lahayn uga soo horjeedno fal kasta oo wax u dhimaya rajada laga qabo in la helo xal laba dawladood ah, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn ballaadhinta degaameynta, u dhaqaaqidda qabshadda Daanta Galbeed, carqaladaynta xaaladda taariikhiga ah ee goobaha barakeysan, burburinta, ka saarista, iyo hurin colaadeed," ayuu Blinken yiri.

Yahuuda ayaa si weyn u taageera balaarinta deegaamaynta kana soo horjeeda dawladnimada Falastiin waxaana ay si weyn ugu garab-siiyaan dowladooda in ay qabsato dhul horleh oo Falastiin ah.

Isku day kasta oo cusub oo ay Israa’iil ku doonayso inay ku qabsato Daanta Galbeed ee la haysto ayaa ka hor iman karta ballan-qaadyadii Netanyahu uu sannadkii 2020-kii la galay Isu-tagga Imaaraadka Carabta, taasoo noqotay waddankii Carbeed ee ugu horreeyay muddo tobanaan sano ah oo aqoonsada Israa’iil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM