Mareykanka oo diidey in sirdoonkiisa lala barbardhigo midka China

Image

BERLIN, Germany – Safiirka Mareykanka ee Berlin ayaa si adag ugu dhaleeceeyay wasiirka dhaqaalaha Jarmalka, Peter Altmaier, in uu isla barbardhigay sirdoonka China iyo Mareykanka.

Xiisadda ayaa waxay karkartay markii Germany uusan ka mamnuucin shirkadaha Tiknoolajiyadda ee laga leeyahay dalka Shiinaha ee Huawei ka qeybgalka Banbiga Telefoonada waddankaas.

"Ma jiro wax u dhigma damiirka ka dhexeeya Shiinaha iyo Mareykanka qof kastoo soo jeediyana wuxuu iska indhatirayaa taariikhda," ayuu Richard Grenell yiri, sidda ay qortay warbaahinta.

Xukuumadda Washington ayaa waxay u aragtaa Huawei in ay tahay khatar amni oo ku wajahan Mareykanka.

Mareykanka ayaa horey u waydiistay xulufadiisa reer Galbeedka in ay joojiyaan isticmaalka telefoonada 5G-da ah ee ay farsameyso, isaga oo ku doodaya in ay u dhow sirdoonka Shiinaha.

China iyo Mareykanka ayaa waxaa ka dhaxeeya loolan ganacsi oo cirka isku sii shareeray tan iyo markii uu xafiiska yimid madaxweyne Donald Trump oo xayiraadyo dhowr ah kusoo rogay.

Xukuumadaha Beijing iyo Washington oo loolankooda uu saameeyay ganacsiga dunida ayaa waxaa lagu sheegaa in ay yihiin dowladaha ugu tunka dhaqalaaha aduunka uguna wanaagsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM