Mareykanka oo ka qaracmey booqashadii Assad ku tagay UAE

Image
Booqashada Bashaar Al-Asad ee Imaaraatka Carabta ayaa ku soo beegantay xilli uu socdo duulaanka Ruushka ee Ukraine. Dimishiq iyo Imaaraatka waxay xiriir wanaagsan la leeyihiin Moscow (AFP/-)

WASHINGTON- Booqashadii Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad uu ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dalka Mareykanka ka nuujiyey "Niyad-jab weyn", isagoo ku boorriyay xulafadiisa inay ka fogaadaan inay caadi ka dhigtaan xiriirka uu la leeyahay taliska lagu eedeeyay "gabood-fallada argagaxa leh".

Safarka lama filaanka ah ee Bashaar Al-Asad Jimcihii ayaa ahaa booqashadiisi ugu horreysay ee rasmi ah oo uu ku tago waddan Carbeed tan iyo markii ay dagaallo sokeeye ka qarxeen dalkiisa sannadkii 2011-kii, oo ay ku dhinteen dad ku dhow nus milyan qof.

Waxay ahayd calaamadii ugu dambeysay ee xidhiidhka sii hagaagsanaanaya ee u dhexeeya Suuriya iyo dalka Imaaraadka oo Taajir ku ah Shidaalka-- oo ah xulafada muhiimka ah ee Maraykanka kaas oo sidoo kale caadiyeeyay xiriirka Israel 2020.

"Aad baan uga niyad jabnay oo aan uga walaacsanahay isku daygan muuqda ee lagu doonayo in lagu sharciyeeyo Bashaar al-Assad," ayuu afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price ku sheegay hadal uu Sabtidii u diray AFP.

Assad, waxa uu yiri, “waxa uu masuul ka yahay  dhimashada iyo silica Suuriyaan aan la soo koobi karin, barokaca in ka badan kala bar dadkii dalkaas ku noolaa dagaalka ka hor iyo iyada la’yahay in ka badan 150,000 rag, haween iyo caruur Syrian ah.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Antony "Blinken waxaa uu ku celceliyey, ma tageereyno dadaallada lagu soo celinayo Assad, mana taageerno kuwa kale oo caadi ka dhisayaa xiriirka Asad," ayuu yiri Price.

"Arintan waanu u caddaynay saaxiibadayada... ( waxaanan ku boorinaynaa dawladaha ka fiirsanaya inay la macaamilaan xukuumadda Asad inay si taxadar leh u miisaamaan xadgudubyada naxdinta leh ee uu gaystey taliskaan."

Booqashada Jimcaha ee Assad uu ku tagay Imaaraadka ayaa timid iyadoo Ruushku -- taageere muhiim ah u fidiyo Dimishiq ah halka Abu Dhabi xiriir adag oo gabacsi la leedahay Moscow.

- 'Xiriirka walaalaha' -

Dagaalka Suuriya waxa uu qarxay bishii March 2011 ka dib markii si naxariis darro ah loo caburiyey mudaaharaadyadii dawladda lagaga soo horjeeday, sannad ka dibna Imaaraadku, sida dalalka Carabta intooda badan, waxa ay xiriirka u jaray Dimishiq.

Laakin Imaaraadku wuxuu dib u furay safaaradiisa caasimadda Suuriya bishii Diseembar 2018, isagoo soo jeediyay dadaal lagu doonayo in nidaamka Bashaar Al-Asad dib loogu soo celiyo safka Carabta.

Jimcihii, Assad iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi, Sheikh Mohammed bin Zayed Al-Nahyan, oo ah hogaamiyaha dhabta ah ee Imaaraadka Carabta, ayaa ka wada hadlay "xiriirka walaaltinimo" ee labada dal, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee WAM.

Wadahadallada ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dadaalka loogu jiro "ka qayb qaadashada xoojinta amniga, xasilloonida iyo nabadda gobolka Carabta iyo Bariga Dhexe", ayuu yiri WAM.

Sheekh Maxamed waxa uu sheegay in uu rajaynayo in booqashadu ay u gogol xaarto wanaagga, nabadda iyo xasilloonida Suuriya iyo gobolka oo dhan,” ayay raacisay.

Labada nin ayaa sidoo kale ka wada hadlay siyaabaha "loo ilaalin karo midnimada dhuleed ee Suuriya iyo ka bixitaanka ciidamada shisheeye ee dalka," ayay tiri, iyo sidoo kale"taageerada siyaasadeed iyo bini'aadantinimo ee Suuriya".

Wakaaladda wararka Suuriya ee SANA ayaa sheegtay in kulanka uu gacan ka geystay xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Sawirro laga soo qaaday madaxtooyada Suuriya ayaa muujinayay in Asad uu sidoo kale la kulmay boqorka Dubai, Sheikh Mohammed bin Rashid Al-Maktuum, oo booqasho hal maalin ah qaadey.

- Ruushka, Suuriya iyo Khaliijka.

Bishii Sebtembar 2015, Ruushku waxa uu bilaabay i duqaymo uu ku taageerayo nidaamka kaligii galinka ah ee Suuriya, taas oo ahayd marxalad colaadeed oo ugu dambayntii ka caawisay Bashaar Al-Asad in uu dib u hanto xukunka dalka intiisa badan.

Assad ayaa ku ammaanay duulaanka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii February isagoo ku tilmaamay " sixid taariikhda".

Imaaraadku wuxuu martigeliyaa ciidamo Mareykan ah, wuxuuna saaxiib istiraatijiyadeed u ahaa Mareykanka muddo tobanaan sano ah, laakiin xiriirka dhaqaale iyo siyaasadeed ee uu la leeyahay Ruushka ayaa sii kordhaya.

Imaaraatka iyo Sacuudiga oo ah labada wadan ee ugu badan ee dhoofiya saliida ayaa ilaa hadda ka fogaaday mowqif ka dhan ah Ruushka.

Dagaalka Ruushka ee Ukrain waxa uu saamayn ku yeeshay xiriirka  Khaliijka iyo Maraykanka, khubaradu waxa ay leeyihiin, iyada oo shirkadaha waaweyn ee saliidda dhoofiya- Imaaraadka iyo Sucuudiga ay iska dhagatirayaan baaqyada Washington iyo caasimadaha kale ee reer galbeedka ee ah inay kor u qaadaan wax soo saarka saliidda si ay u xakameeyaan qiimaha.

Sannadkii hore, Imaaraadku wuxuu ku baaqay in Suuriya ay ku soo noqoto ururka Jaamacadda Carabta, taas oo joojisay xubinnimadeeda ka dib markii uu dagaalka billowday.

Bishii Nofembar, dublamaasiga ugu sarreeya Imaaraadku wuxuu Assad kula kulmay Dimishiq markii ugu horreysay tan iyo markii uu dagaalku billowday, tallaabadaas oo uu Maraykanku ku gacan sayray.

Dagaalka Suuriya waxaa ku dhintay ilaa nus malyuun qof, malaayiin qof ayaa barakiciyay waxaana burburay kaabayaashii dhaqaale ee dalkaas.

Guddi baaritaan oo Qaramada Midoobay ah ayaa bishan ku baaqay "dib u eegis lagu sameeyo hirgelinta iyo saameynta cunaqabateynta hadda lagu soo rogay Suuriya" iyadoo loo eegayo xaaladaha nololeed ee sii xumaanaya.

Laakiin afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Price ayaa Sabtidii sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono cunaqabataynta Suuriya "ilaa laga helayo horumar aan laga soo noqon karin oo ku aaddan xal siyaasadeed".

GAROWE ONLINE + WAKAALADAHA 

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM