"Kenyan Al-Shabaab ah" oo la maxkamadeynayo
WASHINGTON, US – Dacwad-oogeyaasha heer federaal ee degmadda Manhattan ee magaaladda New York waddanka Mareykanka ayaa dacwad kusoo oogay Kenyan "maleegayay weerar lamid ah kii daaraha mataanaha".
Sidda laga soo xigtay gal-dacwadeedka, Cholo Cabdi Cabdullaahi, ayaa qorsheynayay in uu beegsado dhismaha magaalo ku taala Ameerika, wallow aanan lasoo bandhigin magaca bartilmaameedkiisa.
Xeer-ilaalinta ayaa tibaaxdey in Cabdullaahi uu xubin ka yahay dagaalameyaasha Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacidda.
"Wuxuu ku shaqeynayey amarka taliye sare oo Al-Shabaab ah kasoo qorsheeyay weerar dhiig ku daatay oo 2019-kii lagu ekeeyay huteel ku yaala caasimada Kenya ee Nairobi," ayaa lagu yiri qoraalka.
Bayaanka ayaa la raaciyey: "Mr Cabdullaahi waxaa loo diray in uu soo barto tababar duuliyenimo, in uu la jaanqaado amniga garoomada iyo talaabooyin kale oo uu ugu diyaar-garoobayo afduubka diyaarad rakaab oo uu magaca Shabaab ugu fuliyo weerar argagixiso".
Geedi-u-socodkaas, sidda laga soo xigtay bayaanka, wuxuu 2016-kii ka bilaabay Philippines halkaas oo uu ku bartay duuliyenimada wuxuuna ka gudbay tijaabooyinka uu ku heli karo ruqsada ama shatiga rasmiga.
"Wuxuu darsay qaababka loo afduuban karo diyaarad ganacsi oo ay kamid tahay qaabka loo jebiyo banaanka looga soo jebiyo albaabka halka laga hago diyaarada si lamid ah arrimo kale oo khuseeya amniga diyaarada," ayay raacisay dacwadda lagu soo oogay Mr Cabdalla oo warbaahinta loo dusiyey.
Waaxda Cadaaladda Mareykanka ayaa shaacisay in Cabdalla uu darsay dhismaha ugu dheer magaalo weyn oo ku yaala USA isla markaana uu macluumaad ka helay qaabka loo helo dal-ku-galka ama fiisaha Ameerika.
Hasa ahaatee, wasaaradda ma aysan soo bandhigin magaca magaaladda ama dhismaha uu Mr Cabdalla ku darsaday shaxdiisa weerarka.
Mr Cabdalla, oo mas'uuliyiinta Philippine ay xireen sanadkii hore, ayaa loosoo wareejiyay New York halkaasoo Arbacada waqtiga Mareykanka ay ka bilaabato maxkamadeyntiisa, sidda uu sheegay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha.
GAROWE ONLINE