Mareykanka oo raaligelin ka bixiyey eed uu u jeediyey South Africa

Image
Koonfur Africa ayaa ku adkeysatay in xukuumadda Washington aysan "u cagajugleyn karin waddankaas".

CAPE TOWN, South Africa - Wasaaradda arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika ayaa shaaca ka dhigtey in danjiraha Mareykanka uu "raali-gelin dhameystiran" ka bixiyay sheegashada ah in dalkaas uu hub ka iibiyay waddanka Ruushka.

Khamiistii, Reuben Brigety ayaa ku eedeeyay South Africa in markab Ruushku leeyahay ay ku daabushay rasaas iyo hub gudaha uuna ka baxay Cape Town bishii December ee la soo dhaafay.

Koonfur Afrika ayaa sheegtay in aysan jirin wax diiwaan ah oo ku saabsan iibka hubka, waxaana madaxweyne Cyril Ramaphosa uu amray in baaritaan lagu sameeyo.

Jimcihii todobaadkii lasoo dhaafay, afhayeenka amniga qaranka ee Aqalka Cad ayaa hoosta ka xariiqay in ay soo saari doonan faahfaahinta eedeymaha.

Balse John Kirby ayaa sheegay in arrintan ay tahay "arrin halis ah" Mareykankana uu si joogto ah ugu booriyay dalalka in aysan taageero u fidin dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Dhanka kale, wasiir ka tirsan golaha xukuumadda Koonfur Afrika ayaa dhaliilay wax uu ku tilmaamay "diblamaasiyadda qaylo-dhaanta", isagoo sheegay in Koonfur Afrika uusan "handadi karin Maraykanka".

"Maraykanku waa kan cunaqabatayn saaray Ruushka... waa in aanay na dhex-gelin arrimaha Ruushka," ayuu Khumbudzo Ntshavheni, oo ah wasiir ka tirsan madaxtooyada, u sheegay warbaahinta dadweynaha ee SABC.

Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dalal fara ku tiris ah oo ka aamusay dhowr cod oo Qaramada Midoobay ah oo ku saabsan colaadda, waxayna diideen inay si cad u cambaareeyaan Ruushka, iyagoo ku adkeysanaya inaysan isku raacsanayn arrintan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Serbia: Xiriirka Yurub iyo Mareykanka wuxuu gaarey meeshii ugu xumayd

Warbixinno cusub ayaa sidoo kale xaqiijinaya in Mareykanka uu qorsheynayo in uu kala baxo ku dhowaad 5,000 oo askari oo ku sugnaa Jarmalka.

  • Caalamka

    03-05-2026

  • 12:27PM

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM