Mareykanka oo sheegtey dilka horjooge ka tirsan kooxda ISIL

Image
Osama al-Muhajer ayaa ahaa hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya.

WASHINGTON, United States - Militariga Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeyn ku dileen hogaamiyihii kooxda Daacish (ISIS) ee bariga dalka Suuriya, sidda ku xusan war-saxaafadeed lala wadaagay warbaahinta.

Weerarkan oo dhacay Jimcihii ayaa sababay dhimashada Osama al-Muhajer, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay taliska dhexe ee Maraykanka Axadii loona yaqaao CENTCOM.

Sida laga soo xigtay CENTCOM, ma jirto dad rayid ah oo lagu dilay howlgalka laakiin ciidamada isbaheysiga ayaa "qiimeynaya wararka sheegaya in uu soo gaaray dhaawac rayid ah".

Taliska CENTCOM ayaa waxa uu intaas ku daray in diyaaradihii loo adeegsaday weerarka ay dhibaato kala kulmeen diyaaradaha dagaalka Ruushka gelinkii hore ee maanta.

"Waxaan si cad u sheegaynaa in aan sii wadeyno inta Daacish looga adkaanayo gobolka oo dhan," ayuu yiri madaxa taliska dhexe ee Mareykanka (CENTCOM) General Michael Kurilla.

Kurilla oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaas kusii daray: "[Jihaad-aloosyaasha] ISIS waxay weli khatar ku yihiin nabadda gobolka oo keliya balse waa ka sii fogaanayaan".

Daacish ayaa inta badan waxaa laga saarey waddanka Suuriya halkaas oo ay joogitaan badan ku lahaayeen sanadihii ugu horeeyay oo ay soo shaac-baxeen kahor inta uusan Ruushka ka caawin Dimishiq dagaal mirodhalay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM