Mareykanka oo war culus kasoo saarey weerarkii Bariire

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Milatariga Mareykanka ayaa sheegay in ay si dhab ah u baarayaan warar sheegaya in dad rayid ah lagu dilay weerar ay gacan caawin ah ka geesteen oo Ciidanka dowladda Soomaaliya ku qaadeen Al-Shabaab.

War saxaafadeedka AFRICOM ayaa soo baxay maalin kadib markii Saraakiil katirsan Sirdoonka Soomaaliya ay sheegeen in howlgalka lagu qabtey 3 hogaamiye oo katirsan Al Shabaab.

Dadka degaanka ah oo ay ku jiraan qaraabada ayaa u sheegay AP in shantii qof ay ku dhinteen aroortii Arbacadii inay yihiin beeralay, oo aan ahayn dagaalyahanno.

Shan ka mid ah maydka ayaa lagu soo bandhigay Khamiistii Isbitaal ku yaal caasimadda Muqdisho.

Mareykanka ayaa sheegay in ciidamadiisu ay gacan ka geysteen hawlgal ay fuliyeen Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya, oo lagu qaadey saldhigyo ay Al-shabaab ku leedahay duleedka deegaanka Bariire.

Maraykanka ayaa sheegay inay dib u eegi doonaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan dhacdada.

Dhinac kale, Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga Soomaaliya, oo lagu magacaabo Cabdicasiis Xildhibaan ayaa beeniyay in shacab lagu dilay weerarka ay fuliyeen Ciidamada DFS iyo kuwa Mareykanka. [Halkan ka akhri Warka].

Militeriga Mareykanka ayaa kordhiyay howlgalka Soomaaliya tan iyo markii uu Trump loo doortay Madaxweynaha dalkaasi, isagoo bixiyay amar ah in la xoojiyay duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Kenyan ah oo xabsi daa’in lagu xukumay qorshe weerar “9/11 u eg” oo ka dhan ah Maraykanka

Bishii Janaayo 2019, Abdullah ayaa raadiyay macluumaad ku saabsan “duullimaadyada Delta” iyo “dhismaha ugu dheer Atlanta.

  • Caalamka

    24-12-2025

  • 08:47AM

Casha Xasan oo Qiratay Lacago Laga Xaday Barnaamijyo Dowladda Mareykanka Ku Taageerto Carruurta Danyarta ah

Sida ay sheegeen dacwad-oogayaasha federaalka, Asha Xasan ayaa noqotay…

  • Caalamka

    23-12-2025

  • 02:51PM