DFS oo beenisay in shacab lagu dilay weerarkii Afgoye [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa beenisay in dad shacab ah lagu dilay howlgal military oo xalay saqdii dhexe Ciidamo ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga, Cabdicasiis Xildhibaan oo la hadlay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday dagaalyahano Al-Shabaab oo qorsheynayay weeraro ay ka fuliyaan magaalada Muqdsho.

"Haba yaraatee ma jiraan waxa afka qalaad lagu yiraahdo [Civilian Casualties] oo ka dhashay howlgalka ama khasaaro soo gaaray dadka rayidka ah," ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan.

Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in Ciidamada ay u suurta gashay inay kahor tagaan weerar Al Shabaab, waxaana dadkii uu ku dhintay howlgalka uu sheegay inuusan ku jirin dadka ay Ciidamada dileen ruux dhalashadiisu tahay Soomaali.

Marka laga soo tago hadalka Afhayeenka, waxaa dhanka kale magaalada Muqdisho gaar ahaan Isbitaalka Madiino la keenay Meydadka 5 qof oo la sheegay inay yihiin dad shacabka ah lagu dilay howlgalkii xalay ka dhacay inta u dhaxaysa Afgaooye iyo Bariire oo katirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in Howlgalka ay fuliyeen Ciidamo Mareykanka ah oo ay la socdeen kuwa Soomaali ah kuwaasi oo Diyaarad Helicopter ah ugu daatey Beer Muuska ka baxo oo ku taalla Tuulada Macalinka, oo qiyaastii 16KM dhinac Koonfur Galbeed ugu beegan degmada Afgooye.

Bishii August ee 2017, dad gaaraya 10 ruux oo caruur ay kamid ahaayeen ayaa lagu dilay weerar sidan oo kale Ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya ka fuliyeen duleedka deegaanka Bariire ee isla gobolka Shabeellaha Hoose.

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa sidan oo kale u beeniyay in dadkaasi ay shacab ahaayeen, iyadoo markii dambe bixisay lacag magdhaw ama Diyo kadib markii ay qiratay in dadkaasi Ciidamada dileen ay ahaayeen shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Axmed Madoobe oo soo afjary hadalkii ahaa dalka kama bixi kara

Dowladda federaalka ayaa soo saartay amar lagu xirayo Axmed Madoobe, taas oo sii murjisay xiriirka labada dhinac.

  • Soomaliya

    18-01-2025

  • 12:18PM

Soomaaliya: Xamse Cabdi Barre oo eedeeyay Xukuumaddiisa

Waxaa la sugayaa jawaabta ay ka bixin doonto Villa Soomaaliya iyo saameynta ay hadalkan ku yeelan karto arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    18-01-2025

  • 10:28AM