Mareykanka oo Xiraya Idaacadda VOA Kadib Amar uu Soo Saaray Trump

Image

Washington, D.C. – Idaacadda Voice of America (VOA), oo in ka badan 80 sano u baahinaysay wararka caalamka, gaar ahaan dalalka ay xukuumaduhu xakameeyaan warbaahinta, ayaa wajahaysa xiritaan kadib amar cusub oo kasoo baxay Aqalka Cad.

Madaxweyne Donald Trump ayaa saxiixay amar madaxweyne oo lagu burburinayo hay’adda federaalka ee maamusha VOA. Saacado kadib, boqolaal wariyeyaal, maamulayaal iyo shaqaale kale oo ka tirsan xarunta idaacadda ee Washington, D.C. ayaa loo sheegay in la fasaxay iyagoo mushaarkooda la siinayo. Shaqaalahaasi waxay si degdeg ah u waayeen gelitaankooda email-ka shaqada iyo barnaamijyada kale ee isgaarsiinta.

VOA waxay inta badan wararkeeda ka diyaarisaa Washington ka hor inta aan loo gudbin laamaha kala duwan ee ku baahiya caalamka. Waxaa hawada ka baxey raadiyaasha ku yaalla Aasiya, Bariga Dhexe iyo gobollada kale, halka kuwa kalena waxaa lagu badalay barnaamijyadii muusik. 

Qaar kale oo ka mid ah idaacadaha, telefishinnada iyo baraha dijitaalka ee isticmaala wararka VOA ayaa weli shaqeynaya, balse waxay lumin doonaan barnaamijyadii uga imaan jiray Mareykanka. Taasi waxay fursad siineysaa warbaahinaha kale sida Shiinaha iyo Ruushka, horey ula tartami jirey VOA. 

Sharci-yaqaanada & Ururada Shaqaalaha oo Ka Horyimid Xiritaanka

David Z. Seide, oo ah garyaqaan u dooda saxafiyiinta VOA, ayaa sheegay in xukuumaddu gebi ahaanba jartay xariirkii hawlgalka VOA. Wuxuu intaas ku daray inuu qorsheynayo inuu racfaan ka qaato tallaabadan si shaqaalaha VOA dib loogu celiyo shaqadooda. 

Ururka American Foreign Service Association, oo ay xubno ka yihiin shaqaalaha VOA, ayaa sheegay inay si adag uga difaaci doonaan shaqaalahooda tallaabadan ay Xukuumadda Trump qaaday.

Xiritaanka VOA wuxuu qeyb ka yahay dagaalka ballaaran ee Trump kula jiro warbaahinta, wuxuuna Aqalka Cad horey u mamnuucay Wakaaladda Wararka AP inay ka warbixiso munaasabado gaar ah kadib markii ay diiday inay Badda Mexico ugu yeerto Gulf of America. Trump iyo xulafadiisa ayaa sidoo kale dacwooyin ka gudbiyay warbaahinta, iyagoo qorsheynaya dacwooyin kale.

VOA: Warbaahin Taariikh Leh

Idaacadda VOA waxay bilowday baahinteeda 1942-kii, xilligii Dagaalkii Labaad ee Adduunka, si ay u la dagaallanto borobogaandada Xisbiga Naasiga ee Jarmalka. Intii lagu jiray Dagaalkii Qaboobaa, idaacadda ayaa loo adeegsaday inay barnaamijyadeeda gaarsiiso dalal ay maamulayeen nidaamyada shuuciga ah, gaar ahaan kuwa dhagaha ka xirtay wararka caalamka.

VOA waxay baahin jirtay lagu soo gudbinayo siyaasadda Mareykanka si cad, iyadoo ka madax-bannaan xukuumadda markaas joogta. Waxay gaari jirtay malaayiin dhagaystayaal ah oo ku nool dalal ay ka mid yihiin Shiinaha iyo Iran, oo ay xukuumadahoodu si adag u xakameeyaan warbaahinta ajnabiga ah.

Xilligii xukunka Trump, Aqalka Cad wuxuu dhaleeceeyay VOA, isagoo ku eedeeyay inay leedahay aragti bidix ah (liberal bias). Xukuumadda ayaa xitaa baaritaanno gudaha ah ku sameysay qaar ka mid ah wariyeyaasha VOA, hase yeeshee baaritaannadaasi waxaa lagu tilmaamay kuwo aan sharci ahayn.

Hadda oo VOA la xirayo, su’aasha taagan ayaa ah: Miyuu Mareykanku lumiyay mid ka mid ah aaladaha ugu waaweyn ee uu uga waramo caalamka?

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Meydka 7 Qof oo Laga Helay Badda Qubrus Kadib Shil Tahriib

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in tiro aan la cayimin…

  • Caalamka

    17-03-2025

  • 11:39PM

Meydka 7 Qof oo Laga Helay Badda Qubrus Kadib Shil Tahriib

Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in tiro aan la cayimin…

  • Caalamka

    17-03-2025

  • 11:39PM