Mareykanka: Xildhibaan la ogaaday in uusan dugsi sarre dhigan

Image
George Santos oo loo doortey xubinimadda Congress-ka ayaa initii ololaha ku jiray ka been sheegay tacliintiisa.

WASHINGTON, USA - George Santos oo ah mudane ka tirsan Congress-ka waddanka Maraykanka isla markaana laga soo doorto gobolka George ayaa lagu haystaa eedeymo la xiriira in uu ka been sheegay waayihiisa shaqo iyo tacliin intii uu ku jiray ololaha doorashadda.

Baaritaan ay samaysay New York Times ayaa lagu ogaaday in uu sheegay in uu kasoo qalin-jabiyay Jaamacada Baruch College oo ku taala New York, balse maamulka ayaa sheegay in aysan arintaas caddaymo u hayn.

Waraysi uu Isniintii bixiyay ayuu ku yiri: "Anigu masoo dhigan waxbarashada sare, waan ka xumahay". Dhanka kale, eedeymo shaqadiisa iyo shakhsiyada ku saabsan ayaa soo shaac baxay.

Santos ayaa sidoo kale horey u shaaciyey in uu lasoo shaqeeyay Citigroup iyo Goldman Sachs balse labada shirkadoodba waxaa ay ka dhawaajiyeen in aanay arintaasi diiwaankooda ku jirin.

Diintiisa ayuu sheegay in uu yahay Yuhuudi, balse markii ay soo baxeen waxyaabaha hareeyay ayuu ku yiri waraysi: "Anigu waxaan ahay Catholic, laakiin waalidkayga ayaa asal ahaan Yahuuda xiriir la leh sidaas ayaan ka waday".

Tan ayaa ka dhigan in la is-waydiinayo sababta uu horey ugu sheegay in uu kasoo jeedo Yuhuud isla markaana qoyskiisu ay kasoo bara-kaceen Ukraine dagaalkii labaad ee dunida .

Xubnaha Congress-ka ee xisbiga dimuqraadiga ayaa ka codsanaya hogaamiyaha Jumhuuriyiinta Congresska, Kevin McCarthy, in uu ka dalbado in cod la galiyo xubinnimada Santos hadii uusan isagu uu ka dhego adaygo arintaas. Arrintan ayaa noqotey fadeexad aad u ballaaran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM