Markab ay Iraan soo dirtay oo ku soo xiranaya Djibouti

Image

Markab sida gargaar oo ay Iraan u soo dirtay Yemen ayaa lagu wadaa in saaka uu ku soo xirto Djibouti.

Djibouti ayaa markii hore waxa ay sheegtay in aanay u ogolaan doonin in markabka uu soo xirto ilaa ay Iran ka ogolaato in Qaramada Midoobe ay baarto markabka ka hor inta aanan gargaarka uu sido lagu wareejin hay'adda Qaramada Midoobe ee barnaamijka cunada dunida ee WFP.

Waa markabkii ugu horeeyey oo Iraan soo dirto oo soo gaara Djibouti.

Djibouti waxa ay marti gelisay in ka badan 4000 oo qaxooto Yemeniyiin ah oo ka cararay colaadda dalkooda ka socota.

Arbacadii, xogahayaha guud ee Qaramada Midoobe Ban Ki moon ayaa ku dhawaaqay shir looga hadalayo xaaladda Yemen oo dhici doona dhamaadka bishan May.

Waxa uu ku casuumay shirka dhamaan dhinacyada isku haya Yemen.

XIGASHO: BBC

Related Articles

Sagal Cabdi-Wali oo ku Guuleysatay Kursigii Baarlamaanka ee Keir Starmer

Sagal Cabdi-Wali ayaa si aqlabiyad leh uga guuleysatay hoggaamiyaha Xisbiga….

  • Caalamka

    09-10-2026

  • 05:45AM

Xuutiyiinta oo weeraray garoonka diyaaradaha ee Riyadh

Ilaa hadda lama shaacin sababta rasmiga ah ee keentay in duulimaadyada ku wajahnaa garoonka Riyadh ay leexdaan.

  • Caalamka

    08-10-2026

  • 11:46AM