Markab dagaal oo lagu gubay dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Image
Qaar ka mid ah dadkii ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan Mariupol ayaa gaaray magaalada Berdyansk.

MOSCOW, Russia - Wararka ka imaanaya dalka Ukraine ayaa sheegaya in markab laga leeyahay dalka Ruushka uu ku burburay magaalada Berdyansk ee dalka Ukraine. Milateriga Ukraine ayaa soo bandhigay muuqaal subaxnimadii Khamiista waxeyna sheegeen in ciidamadoodu duqeeyeen, in kastoo aan la xaqiijinin sheegashadooda iyo waxa sababay qaraxa intaba.

Berdyansk, oo ku taal galbeedka dekedda la go'doomiyay ee Mariupol, ayaa la qabsaday afar maalmood ka dib markii Ruushku uu weeraray Ukraine. Ruushku ayaa waxa uu sheegay in uu dekedda ka dhigtay saldhig ay u soo rartaan qalabka ay u baahan yihiin ciidamadooda.

TV-ga ciidamada Ruushka ayaa soo dhaweeyay imaatinka markabka ee Berdyansk usbuucii hore isagoo ku tilmaamay "dhacdo xamaasad leh" maadaama uu ahaa markabkii ugu horeeyay ee halkaas ku soo xirta kaas oo laga leeyahay Ruushka.

Muuqaalo uu duubay weriyaha telefishinka qaranka ee Ruushka, Murad Gazdiev ayaa muujinayay markab dagaal oo laga soo dejinayo gaadiidka gaashaaman kuwaas oo la doonayay in lagu xoojiyo ciidamada Ruushka ee dalkaas dagaalama.

Muuqaal ay Khamiistii baraha bulshada ku soo bandhigeen ciidamada badda ayaa muujinayey qaraxyo iyo markab weyn oo ku gubanaya dekedda.
Halka la sheegay in uu ku burburay Markabka ayaa waxaa laga soo werinayaa in uu dabka ku fiday labo Markab oo kale, bakhaar rasaas ah iyo goob shidaal ah oo tekedda ku taala.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca ee dalka, Hanna Malyar ayaa u sheegtay telefishinka Ukraine in militarigu ay duqeeyeen "bartilmaameed weyn", oo qaadi kara 20 taangi, 45 gawaarida gaashaaman iyo 400 oo askari.

Horaantii todobaadkan Gazdiev, oo u shaqeeya warbaahinta uu Ruushku taageero ee RT, ayaa sheegay in gantaalada Ukraine ay si isdaba joog ah loogu ridayay dekedda Berdyansk, iyadoo gantaalada badankooda ay qabanayeen nidaamka difaaca hawada ee Ruushka.

Berdyansk ayaa ah meel muhiimad gaar ah u leh Ruushka, waxayna dhacdaa inta u dhaxaysa Crimea iyo magaalada go'doonsan ee Mariupol, oo qiyaastii 80km (50 mayl) dhanka bari ka xigta, halkaas oo dad lagu qiyaasay 100,000 ay weli ku go'doonsan yihiin.

Qaar ka mid ah dadkii ay u suurtagashay in ay ka baxsadaan Mariupol ayaa gaaray magaalada Berdyansk, ra’iisul wasaare ku xigeenka Ukraine ayaana sheegay in loo qaadi doono gudaha magaalada Zaporizhzhia.

Qabsashada magaalooyinka Berdyansk iyo Melitopol ayaa qeyb ka ah qorshaha Ruushka uu ku doonayo in uu ku sameeyo waddo isku xirta Crimea ilaa xadka Ruushka, iyo sidoo kale in la sameeyo mid ku wajahan Zaporizhzhia.

Dadka deegaanka ayaa dhigay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan qabsashada Ruushka ee Berdyansk, waxaana muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada todobaadkan uu muujinayay ciidamada oo garaacaya dadka iyagoo isku dayaya inay kala eryaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM