Markab shidaal oo lagu weeraray xeebaha Cumaan

Image
Sarkaal amni oo ay soo xigatay wakaaladda ayaa sheegay in aaminsan yihiin in weerarkan ay ka dambeysay dowladda Iiraan.

MUSCAT, Oman - Wakaaladda wararka ee Associated Press ayaa Arbacada maanta ah waxay sheegtay in xeebaha dalka Cumaan lagu weeraray markab kuwa shidaal qaadey oo laga leeyahay waddanka Israel.

Sarkaal amni oo ay soo xigatay wakaaladda ayaa sheegay in aaminsan yihiin in weerarkan ay ka dambeysay dowladda Iiraan. Xukuumadda Tehran ayaan wali ka jawaabin eedeyntan.

AP ayaa sidoo kale waxay sarkaal kale kasoo xigatay in markabkan uu magaciisu yahay Pacific Zircon isla markaana uu ku gooshaysay calanka waddanka Liberia ee galbeedka Afrika.

Sida laga soo xigtay warbixinta, markabkan ayaa waxaa maamusho shirkada Eastern Pacific Shipping oo fadhigeedu yahay dalka Singapore ee koonfur bari ee qaaradda Aasiya.

Shirkada markabka leh oo bayaan kooban soo saartey ayaa sheegtay in qolofka ay waxyeelo soo gaartay balse aanay wax dhaawac ah qabin shaqaalaha isla markaana aanu shidaal ka quban

Timothy Hawkins oo ku hadlay afka guutadda shanaad ee ciidanka Maraykanka ayaa wakaaladdu kasoo xigatay "waanu ognahay weerarka ka dhacay xeebaha cumaan ee markabka shidaalka loo gaystay".

Weerarada ka dhanka ah maraakiibta ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku badnaa xeebaha dalalka Bariga Dhexe waxaana Yahuuda iyo Iiraan uu midba kan kale ku eedeynayay in uu ka dambeeyay weeraradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo la filayo inay ka hesho Shiinaha gantaallo lagu soo rido diyaaradaha

Haddii heshiiskan la fuliyo, wuxuu muujinayaa inuu sii xoogeysanayo iskaashiga militari ee u dhexeeya Shiinaha iyo Iran.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 10:35AM

Mareykanka iyo Sacuudiga oo Weerar ku qaaday Kooxo Iran Taageerto oo ku sugan Ciraaq

Kooxda Ciidamada Abaabulka Shacabka (PMF) ee Ciraaq, oo xiriir dhow la leh Iran, ayaa sheegtay in ugu yaraan 20 dagaalyahan lagu dilay.

  • Caalamka

    29-07-2026

  • 09:40AM