Masar iyo Suuriya oo boorka ka jafaya xiriir xumaa sanado badan

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya ayaa markii ugu horeysay ka degay Qaahira tan iyo sanadkii 2011-kii.

QAAHIRA, Masar - Wasiirka arrimaha dibadda Suuriya ayaa Sabtidii magaalada caasimada ah ee Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar waana booqashadii ugu horreysay muddo toban sano ka badan.

Faysal Mekdad ayaa xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar ku qaabilay Sameh Shoukry kaasoo booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ku tagay carada Masaarida tan iyo markii uu billowday dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011-kii.

Booqashada ayaa gacan ka geysan doonta dejinta tillaabooyin lagu soo celinayo Suuriya si ay ugu biirto Jaamacadda Carabta iyada oo loo marayo dhexdhexaadinta Masar iyo Sacuudi Carabiya, sidda ilo amni u sheegeen Reuters.

Suuriya ayaa 12 sano ka hor laga joojiyay xubinimadii ururka Jaamacadda Carabta, kaddib markii dowladda ay si xun ula dagaalantay dibadbaxyo ballaaran oo looga soo horjeedo xukunka Bashaar Al-Asad, iyadoo dalal badan oo Carbeed ay dalbadeen in madaxweynaha xilka laga qaado.

Laakiin sannadihii la soo dhaafay, maadaama Assad - oo gacan weyn ka helaya Ruushka - uu kaga adkaaday cadawgiisa guud ahaan Suuriya, dawladaha gobolku waxay qaadeen tallaabooyin ay ku soo afjarayaan go'doominta Dimishiq, iyadoo Imaaraadka Carabta uu hormuud ka yahay isu soo dhaweynta Carabta.

Imaaraadka Carabta ayaa dib u furay safaaradiisii ​​Suuriya sanadkii 2018 waxayna Assad ku soo dhaweeyeen Abu Dhabi iyo Dubai sanadkii hore safarkiisii ​​ugu horeeyay ee uu ku tago wadan carbeed tan iyo markii uu dagaalka bilowday.

Sacuudiga iyo Siiriya ayaa todobaadkii hore ku heshiiyey inay dib u furaan safaaradahooda kadib 11 sano oo xiriirkooda diblumaasiyadeed uu hakad galay.

Sikastaba ha ahaatee, tallaabooyinkan ayaa timid kadib dib u soo noolaynta xiriirka Sacuudiga iyo Iran, oo ah saaxiibka ugu dhow ee Suuriya ee gobolka, horaantii bishii March kaasoo cadaadis saartey khaliijka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Rubio oo Qatar u tegay si uu uga shaqeeyo joojinta dagaalka Gaza

Rubio ayaa la filayaa inuu la kulmo madaxda Qatar si uu uga wada hadlo suuragalnimada xal nabadeed.

  • Caalamka

    16-09-2025

  • 09:41AM

Madaxweynaha Iran: Dalalka Muslim-ka waa inay xiriirka u jaraan Israel

Iran ayaa dagaal la gashay Israel June 2025, waxayna u dhigtay cashar lama illoobaan ah maamulka Netanyahu.

  • Caalamka

    15-09-2025

  • 09:18AM