Masar oo sii deysay wariye u xirnaa muddo afar sano ah

Image
Wariye Abdelaziz ayaa la xiray bishii June ee sanadkii 2019 kadib markii la joojiyay isaga oo ka safray Qatar.

QAAHIRA, Masar - Mas’uuliyiinta Masar ayaa xabsiga sii daayay saxafi ka tirsanaa telefishinka Al-Jazeera, Hisham Abdelaziz, ka dib markii uu ku xirnaa ku dhawaad ​​afar sano oo xabsi ah.

Abdelaziz, oo ah wariye xirfadiisu sareyso kaasoo u dhashay Masar kana tirsan kanaalka Mubasher oo hoostaga TV-ga reer Qadar, ayaa la sii daayay subaxnimadii hore ee Isniinta maanta ah

Qoyskiisa iyo xubno kamid ah saaxiibadiisa gaarka ah ayaa waxay xaqiijiyeen sii deyntiisa, waxayna sheegeen inuu hadda ku sugan yahay guriga reerkiisa ee Qaahira.

Wariye Abdelaziz ayaa la xiray bishii June ee sanadkii 2019 kadib markii la joojiyay isaga oo ka safray Qatar, halkaas oo xaruntiisa ahayd, una aaday Qaahira booqasho qoys.

Waxa uu ka mid ahaa tiro suxufiyiin ah oo ka tirsan Al-Jazeera oo ku xirnaa Masar tan iyo sannadkii 2013-kii kadib afgambigii lagu riday dowladdii madaxweyne Maxamed Mursi.

Xarigiisa ayaa waxa si joogto ah u cambaareyneysay TV-ga Al-Jazeera ay horay ugu tilmaantay “eedeymo aan sal iyo raad toona lahayn” oo ay u horseeday xaalad caafimaad darro.

Masar  ayaa waxay ka mid ahayd afar waddan oo ay weheliyaan Sacuudi Carabiya, Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn – kuwaasoo qaadacay Qatar, oo Aljazeera xarunteedu tahay 2017.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM