Masar: Xusni Mubaarak oo xabsiga laga sii daayay

Image

Madaxweynihii hore ee waddanka Masar, Maxamed Xusni Mubaarak ayaa maanta xabsiga laga sii daayay.

Waxaa xabsigaasi la geliyay 2011 markii xukunka laga tuuray. Waxaa lagu hayay cisbitaal milateri oo ku yaalla caasimadda Qaahira.

Go'aankan ayaa daba socda xukun ay horraantii bishan riday maxkamad, taasoo ku weyday dacwado la xiriirinayo dilka tobanaan dibed baxayaal ah oo ka qeyb qaadanayay mudahaaradyadii xukunka looga tuuray sanadkii 2011. 

Mudadii la hayay, ayaa Mr Mubaarak waxa uu qaatay xabsi saddex sano ah, kaasoo uu ku mutaystay wax isdaba marin.  Qareenkiisa ayaa sheegay in aan loo oggolaanin wali inuu gurigiisa ku laabto.

BBC

Related Articles

Iran oo Trump ku tilmaantay “Beenlow Weyn”

Trump ayaa wararkaas ku tilmaamay “khiyaali” ama “been-abuur”, isaga oo diiday in maamulkiisu uu Tehran u sameeyay dalab noocaas ah.

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 11:17AM

Imaaraadka oo xaqiijiyey kulanka Netanyahu iyo Madaxweyne MBZ

Wakaaladda wararka rasmiga ah ee Imaaraadka, WAM, ayaa Isniintii…

  • Caalamka

    29-09-2026

  • 05:57AM