Maxay Ka Wada Hadleen Elon Musk iyo Safiirka Iran ee Ku Kulmay New York?

Image

New York – Elon Musk, oo ah la-taliye dhaw u noqdey Madaxweyne cusub Donald J. Trump, ayaa Isniintii magaalada New York kula kulmay safiirka Iran u jooga Qaramada Midoobay, Amir Saeid Iravani. Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dejin lahaa xiisadaha ka dhaxeeya Tehran iyo Washington, sida ay sheegeen laba mas’uul oo Iranian ah.

Kulankan oo socday in ka badan saacad ayaa lagu qabtay goob sir ah, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta Iranian ah oo codsaday in magacyadooda aan la shaacin maadaama aysan loo ogoleyn inay ka hadlaan arrimaha siyaasadda. Waxay kulanka ku tilmaameen inuu ahaa  “wanaagsan”.

Steven Cheung, agaasimaha isgaarsiinta Trump, ayaa ka gaabsaday inuu faallo ka bixiyo jiritaanka kulanka, isagoo yiri, “Faallo kama bixinno wararka ku saabsan kulamo gaar ah oo dhici kara ama dhici waayay.” Sidoo kale, Mr. Musk kama jawaabin codsi ah inuu ka hadlo arrintan.

Karoline Leavitt, afhayeenka xukuumadda kala-guurka Trump-Vance, ayaa sheegtay in shacabka Mareykanka ay dib u doorteen Mr. Trump iyagoo ku kalsoon inuu nabad ku soo dabaali karo caalamka. Waxay intaas ku dartay: “Madaxweyne Trump wuxuu qaadi doonaa tallaabooyinka lagama maarmaan ah marka uu dib ugu laabto Aqalka Cad.”

Doorka Musk ee siyaasadda kala-guurka

Elon Musk ayaa hadda noqday mid ka mid ah dadka ugu awoodda badan ee ku dhow xukuumadda kala-guurka Trump. Waxaa la sheegay inuu ka qaybgalay inta badan wareysiyada shaqaalaha cusub ee maamulka. Toddobaadkii hore, Mr. Trump ayaa intii uu ku jiray wicitaan uu la sameynayay madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky, telefoonka u dhiibay Mr. Musk. Waxa uu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray bixinta adeegyada isgaarsiinta ee Ukraine intii uu socday dagaalka ay kula jireen Ruushka.

Kulanka tooska ah ee dhexmaray Musk iyo sarkaal sare oo Iranian ah ayaa tilmaamaya suurtogalnimada in xiriirka Tehran iyo Washington uu ka wanaagsanaado xilligii hore, inkastoo taariikh adag ay ka dhexeyso Madaxweyne Trump iyo Iran. Mid ka mid ah saraakiisha Iranian-ta ah ayaa sheegay in Mr. Musk uu codsaday kulanka, halka safiirku doortay goobta lagu kulmay.

Taariikhda xiisadaha Trump iyo Iran

Intii lagu guda jiray xukunkii hore ee Trump, Mareykanka ayaa ka baxay heshiiskii 2015 ee nukliyeerka Iran ee ay la galeen awoodaha caalamka, isagoo ku tilmaamay mid “hal dhinac ah” oo aan dan u ahayn Mareykanka. Waxaa sidoo kale la saaray cunaqabateyn adag oo ku saabsan dakhliga shidaalka iyo bangiyada caalamiga ah Iran. Trump ayaa sidoo kale amray dilka Jeneraal Qassim Suleimani ee Iraq sanadkii 2020, arrin dhalisay caro xooggan oo ka timid Iran.

Si kastaba ha ahaatee, guusha Trump ee doorashadii dhaweyd ayaa horseedday in Iran ay ka wada hadasho suurtogalnimada heshiis cusub oo ka dhexeeya labada dhinac. Inkastoo kooxaha mucaaradka ee Iran ay ka soo horjeedaan wada-xaajoodyada noocaas ah, xubno ka tirsan dowlad cusub ee Madaxweyne Masoud Pezeshkian waxay u arkaan fursad lagu heli karo in cunaqabateynta laga qaado.

Go’aanka Iran iyo Madaxweynaha Cusub

Farqiga ugu weyn ayaa ah in heshiis kasta oo dhex mara Mareykanka iyo Iran uu u baahan yahay ogolaanshaha hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei. Dhanka kale, Trump ayaa ah taageere weyn oo Israel, oo hadda dagaal kula jirta kooxaha taageerada ka hela Iran sida Hamas iyo Hezbollah tan iyo weerarkii 7-dii October ee sanadkii hore.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Iranian ah, kulanka Musk ayaa noqday dariiq ay Iran uga fogaato in si toos ah ula fadhiisato saraakiisha Mareykanka. Si kastaba ha ahaatee, Mr. Musk ayaa dhowaan loo magacaabay inuu noqdo agaasime ku xigeen hay’ad cusub oo ku saabsan hufnaanta dowladda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Iran kama aysan hadlin kulanka si rasmi ah. Laakiin wasiirka arrimaha dibadda, Abbas Araghchi, ayaa khamiistii ku soo qoray bartiisa X: “Kala duwanaanshaha waa la xallin karaa haddii la helo iskaashi iyo wada hadal. Waxaan isla garannay inaan ku sii soconno kalsooni iyo niyad wanaagsan.”


Warsidaha Garowe Online warkaan waxaa uu ka soo xigtay jariidada New York Times oo wariyahooda Farnaz Fassihi markii ugu horreysay qorey sheekadan.

Related Articles

Dad ku dhintay diyaarad ku burburtay dalka Kazakhstan

Aktau waxay ku taal xeebta ka soo horjeeda ee Badda Caspian ee dalalka Asarbayjan iyo Ruushka.

  • Caalamka

    25-12-2024

  • 01:02PM

Mareykanka oo ka laabtay $10 milyan oo dul-dhigtay madaxa Hogaamiyaha Suuriya

Beesha caalamku waxay sidoo kale ku degdegtay inay taageerto mabaadi'da loogu talagalay in lagu hago dawladda cusub ee Suuriya.

  • Caalamka

    21-12-2024

  • 09:26AM