Maxay salka ku haysaa xiisadda ka taagan gudaha Ruushka?

Image
Boqolaal kamid ah cashood-u-shaqeysteyaasha Wagner ayaa buux-dhaafiyey daafaha magaalada caasimada ah ee Moscow.

MOSCOW, Ruushka – Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Ruushka ka gadaal markii ay isku-dhaceen dowladda madaxwayne, Vladimir Putin, iyo hogaanka cashood-u-shaqeysteyaasha loo yaqaano Wagner.

Boqolaal kamid ah cashood-u-shaqeysteyaasha Wagner ayaa buux-dhaafiyey daafaha magaalada caasimada ah ee Moscow iyaga oo ku goodiyey in ay sameynayaan afgembi ciidan.

Xukuumadda Putin ayaa soo rogtey xaalad degdeg ah waxaana ay ku dhaawaqdey howlgal ay ku tilmaamtey mid ay kaga hortageyso “argagixisadda" oo ay ula jeedo xoogaga Wagner.

Wagner waa shirkad dhanka ammaanka ah oo uu hogaamiyo Yevgeny Prigozhin. Ninkan ayaa waxay saaxiibo ahaayeen Putin. Hase ahaatee, waxaa soo kala dhex-galay khilaaf xooggan.

Khilaafka ayaa waxa uu ka dhashay markii hogaanka milatariga Ruushka uu diidey in uu sahay ciidan siiyo xoogaga Wagner ee  ka dagaalamaya Ukraine halkaas oo khasaaro uu kasoo gaarey.

Waa kuma Yevgeny Prigozhin, madaxa shirkadda ammaanka ee Wagner?

Yevgeny Prigozhin ayaa soo shaac baxay ka dib markii uu door muuqda ka qaatay dagaalka Ukraine. Calooshood-u-shaqaystayaashiisu waxay kaalin weyn ka cayaareen duulaanka ay Moscow ku qaadey Kyiv.

Prigozhin, oo 62 jir ah, ayaa lagu helay dambiyo dhac iyo weerar ah sanadkii 1981-kii, waxaana lagu xukumay 12 sano oo xarig ah.

Ka dib markii la sii daayay, wuxuu maqaayad ka furtey magaaladda Saint Petersburg 1990-meeyadii. Kadib waxa uu u dalacay qandaraasle dhanka ammaanka oo aad ugu dhow Ruushka.

Dagaalka uu ka dhex-riday ciidda Ruushka ayaa u muuqata in ay tahay mid kamid ah cawaaqibka ka dhashay duulaanka Ukraine kaas oo galaaftey nolosha boqolaal qof oo isugu jira askar iyo shacab u kala dhashay labada dal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM