Maxay tahay Shuruudda Iran ku xirtay Heshiiska Nukliyeerka Mareykanka?

Image

TEHRAN - Iran ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay wadahadallo la yeesho Mareykanka Sabtida soo socota ee ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka "si loo gaaro heshiis kama dambeys ah," sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibedda dalkaas, Abbas Araghchi.

Si kastaba ha ahaatee, Araghchi ayaa sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu marka hore ogolaado in aanay jiri doonin "xulasho millateri," wuxuuna intaas ku daray in Iran "waligeed aqbali doonto cadaadis iyo cagajugleyn."

Araghchi wuxuu sidoo kale sheegay in wadahadallada ay ka dhici doonaan Ciraaq, taasoo ka hor imaaneysa war bixinta Trump ee Isniintii, kaasoo sheegay in wadahadallada ay noqon doonaan "wadahadallo toos ah" oo lagu qabanayo Cumaan.

Iran ayaa hal shuruud ku xirtay wahadalka, taasoo ah inuu Mareykanka joojiyo hanjabaadda uu ku hayo dalkaasi. Trump ayaa dhawaan sheegay in hadii ay fashilmeen wadahadallada Iran ay geli doonto xaalad khatar ah, taasoo micnaheedu yahay in la weerari doono.

Madaxweyne Trump, ayaa ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ee Iran iyo quwadda adduunka.

Mareykanka iyo Iran ma leeyihiin xiriir diblomaasiyadeed, sidaas darteed, bishii hore Trump ayaa farriin u diray hogaamiyaha ugu sarreeya ee Iiraan, isaga oo u maraya Imaaraadka Carabta. Farriintaas ayaa sheegtay inuu doonayo heshiis si looga hortago in Iiraan hubka nukliyeerka ka hesho iyo si looga fogaado weerarro millateri oo laga keeno Mareykanka iyo Israa’iil.

Trump ayaa shaaca ka qaaday wadahadallada soo socda intii uu ku sugnaa Aqalka Cad Isniintii, markii Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu uu booqday. Netanyahu ayaa sheegay Talaadadii in labada hogaamiye ay isku raaceen in "Iiraan aanay haysan doonin hubka nukliyeerka" isla markaana uu ku daray in "xulashada millateri" la qaadi doono haddii wadahadalladu sii dheeraadaan.

Iran ayaa ku adkeysanaysa in hawlaheeda nukliyeerka ay si buuxda u yihiin kuwo nabadeed, isla markaana aysan marnaba dooneynin inay horumariso ama hesho hubka nukliyeerka.

Si kastaba ha ahaatee, Iiraan ayaa si joogto ah u jebisay xaddidaadaha lagu saxiixay heshiiska nukliyeerka ee hadda jira, iyadoo ka falcelinaysa cunaqabataynta xad-dhaafka ah ee Mareykanku soo rogay todoba sano ka hor, waxaana ay ururisay uraniyum ku filan oo si weyn loo hodmin karo si loo sameeyo bamyo dhowr ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo duqeyn doonta dal kasta oo ku garab siiya Mareykanka weerarka dalkaas

Sanadkii 2001, Mareykanka ayaa u adeegsaday Kuwait, Bahrain, Qatar iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ku yaalla inuu ka weeraro Iraq.

  • Caalamka

    06-04-2025

  • 04:21PM

Canshuuraha Trump oo dhaliyay dagaal ganacsi oo caalami ah

Saaxiibo dhow ee Maraykanka sida Japan iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale la kulmay canshuuraha, iyada oo Japan ay wajahayso canshuur dhan 24%.

  • Caalamka

    03-04-2025

  • 01:23PM