Maxkamad ku taala Turkiga oo nin ku xukuntey 8,600 sano

Image
Cadnaan Ooktar ayaa lagu eedeeyay in uu geystay dambiyo kala duwan oo ay ku jirto tacadiyo jinsiga ah.

ISTANBUL, Turkey - Maxkamad ku taala magaaladda Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa xukun ku riday Cadnaan Ooktar oo ahaa wariye kaasi oo lagu eedeeyay in uu madax ka ahaa koox dambiyo lagu helay.

Xukunsanahan oo sidoo kale loo yaqaan Haaruun Yaxye ayaa iyo 14 kale ayaa lagu xukumay min 8,658 sano, sida ay qortay joornaalka Daily Sabah ee dalka Turkiga .

Oktaar iyo kooxdiisa ayaa horey January 2021 xukuno loogu riday, balse waxaa burisay maxkamada racfaanka ka gadaal markii ay ogolaatey codsi rafcaan oo ay qaateen.

Xukunka maxkamadda rafcaanka ayaa xoriyadooda waxaa dib ugu helay 68 eedeysane halka oktaar iyo saaxiibadiisa u dhaw-na xabsi dheer loo taxaabay.

Barnaamijka uu tabiyaha ka ahaa Oktaar oo ka baxa mid kamid ah telefishinada maxaliga ah ayaa ah meesha ay uga timid eedeynta ugu badan maadaama uu kusoo bandhigo muuqaal kala duwan.

Mid kamid ah muuqaalada buuqa ugu badan dhaliyey ayaa kusoo bandhigay hablo sameynaya waxyaabo anshax-xumo ah, taasoo sababtey in dowlada ay xabsi u taxaabto.

Dhawr mar oo hore ayaa la xiray oo ay kamid tahay 2018, halka sanadka markii uu ahaa 2021-kii lagu xukumay 1,075 sano kadib markii lagu helay tacadiyo dhanka jinsiga ah oo uu kula kacay haween badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamad bin Jassim: Netanyahu Dagaalka Iran wuxuu u Adeegsanayaa Dib-u-Habeynta Bariga Dhexe

Wuxuu sheegay in dowlado badan oo Mareykan ah ay hore uga caga jiideen dagaal buuxa oo lala galo Iran.

  • Caalamka

    11-05-2026

  • 01:06PM

Saudi Arabia iyo Kuwait oo Qaaday Xannibaadihii Hakiyay qorshaha Trump ee Hormuz

Labada dal ayaa horay u xaddiday adeegsiga saldhigyadooda si ay uga fogaadaan inay qayb ka noqdaan iska horimaad toos ah.

  • Caalamka

    08-05-2026

  • 07:12AM