Mexico: Duq magaalo oo lagu dhex-dilay hoolkiisa shirarka

Image
Saraakiisha booliska ayaa tibaaxay in ku dhowaad 17 ruux kale ay ku naf-waayeen weerarkan tooska ahaa.

MEXICO CITY, Mexico - Dabley hubeysan ayaa toogasho ku dilay duqa magaalo yar oo ku taalla galbeedka dalka Mexico, iyo ugu yaraan 17 kale, sida ay saraakiishu sheegeen.

Booliska ayaa sheegay in dambiileyaasha ay weerareen hoolka shirarka ee San Miguel Totolapan 14:00 (19:00 GMT) Arbacadii. Sawirro ayaa muujiyey meydad daadsan dhulka.

Xisbiga garabka bidix ee PRD oo uu ka tirsanaa duqa magaalada Conrado, Mendoza Almeda, ayaa cambaareeyay dilkiisa waxaana ay ku qeexeen “fulaynimo” iyaga oo dalbadey cadaalad.

Weerarkan ayaa lagu eedeeyay kooxda dambiilayaasha ee Los Tequileros, kuwaas oo lala xiriirinayo kooxaha daroogada ka ganacsada. Balse, illaa haatan wali dhankooda ma sheegan.

Waxaa sidoo kale xasuuqan lagu dilay saraakiil ka tirsan booliska iyo shaqaalaha golaha deegaanka, iyadoo baraha bulshada lagu faafiyay sawiro muujinaya meydad tirro badan.

Mr Mendoza Almeda aabihiis, duqii hore ee Juan Mendoza Acosta, ayaa sidoo kale lagu dilay - gurigiisa - ka hor inta uusan weerarku u wareegin hoolka dowladda hoose.

San Miguel Totolapan waxay ku taalaa wadnaha gobolka loo yaqaan Tierra Caliente oo qeyb ahaan ay maamulaan kooxaha daroogada galbeedka Mexico waxaana ku badan dilalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM