Mexico oo diiday in ciidamo Maraykan ah lagu daabulo dalkaas

Image
Laamaha amaanka Mexico ayaa sheegay in ay xireen 5 qof oo ku eedeysan dilka iyo afduubka muwaadiniinta Maraykanka ah.

WASHINGTON, United States - Xoghayihii hore ee cadaalada Maraykanka, ayaa todobaadkii hore qoraal uu ku daabacay wargeyska Wall Street Journal waxa uu is bar-bar dhig ku sameeyay wax uu ugu yeeray "Argigixasada daroogadda'' oo ugu yeeray kooxaha ka jira dalka Mexico iyo ISIS.

William Barr ayaa taageeray soo jeedinta xubno ka tirsanaa mudanayaal Aqalka Congresska ee Jamhuuriga taasoo ahayd in loo ogolaado madaxweynaha Maraykanka in uu ciidamo geliyo Mexico.

Wasiirka arimaha dibada dalka Mexico, Marcelo Ebrard, ayaa si wayn u dhaleeceeyay hadalka kasoo yeeray Barr kaasi oo soo jeediyay in uu Maraykanku ciidamadiisa geliyo Mexico "si meesha looga saaro kooxaha daroogada ka ganacsada".

Marcelo Ebrard ayaa dhanka ku bogaadiyay in ay muhiim tahay iskaashiga labada dal balse waxaa uu meesha ka saaray "in lagu tunto madax banaanida dalkiisa".

Isaga oo sii hadlaya, William Barr ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay: "Hadalkiisu waxaa uu sii abuurayaa dhibaato intaas ka badan wuxuuna keenayaa iska horkeen".

Baaqa ku saabsan in Maraykanka uu faro-geliyo ciidan ahaan Mexico ayaa korortay tan iyo markii labo muwaadiniin oo Maraykan ah la dilay labo kalena la afduubtay gobalka Tamaulipas ee dalka Mexico kaasi oo dhaca xuduudka Maraykanka iyada oo falkaasi lagu eedeeyay kooxaha daroogada ee abaabulan.

Madaxweynaha dalka Mexico, Andrés Obrador, ayaa dhankiisa ku tilmaamay in Maraykanku uu dalkiisa soo faro-geliyo "doqonimo iyo ilaalin la'aanta madax banaanida dalkeenna".

Laamaha amaanka Mexico ayaa sheegay in ay xireen 5 qof oo ku eedeysan dilka iyo afduubka muwaadiniinta Maraykanka ah kuwaasi oo dooni yar uga soo talaabay dhanka gobalka North Carolina kahor inta aan la khaarijin, sidda ay xaqiijisay warbaahinta maxaliga ah ee kasoo baxda Ameerika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM