Mexico oo qabatay 129 muhaajiriin laga soo buuxiyay gaari xamuul ah

Image
In ka badan 2,100 muhaajiriin ah ayaa lagu waramay in lagu afduubay gudaha Mexico sanadkii hore.

WASHINGTON, United States - Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Mexico ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen 129 muhaajiriin ah oo laga soo buuxiyay dhabarka dambe ee gaari xamuul ah, sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.

"Muhaajiriintan oo ka kala yimid Guatemala, Honduras, El Salvador iyo India" ayaa laga helay habeenimadii Jimcaha gobolka Veracruz ee bariga dalkaasi, sidda uu sheegay machadka socdaalka Mexico.

Dalka Mexico ayaa waxaa ka jira kuleyl sababay dhimashada ugu yaraan 8 ruux. Baabuurka xamuulka ah oo ay ka buuxaan dad tahriibayaal ah ayaa laga helay magaalada Sayula de Aleman.

Aleman ayaa la saadaaliyey in heerkulku uu hoos u dhacay 44 darajo Celsius (111 darajo Fahrenheit) Axaddii todobaadkan, siddda ay sheegtay hay’adda saadaasha hawada ee qaranka.

Machadka socdaalka Mexico oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saarey ayaa waxa uu shaaca ka dhigay in 51 muhaajiriin ah oo ka yimid Guatemala lagu celiyay waddankooda.

"19 kale oo aan qaangaarin oo ka yimid Guatemala iyo Honduras ayaa loo wareejiyay hoy gaar ah inta soo hartayna waxaa loo wareejiyay xarun socdaalka," ayuu raaciyey machadka.

Kumanaan muhaajiriin ah, qaar badan oo ka soo cararay faqriga iyo rabshadaha dalalkooda, ayaa maalin walba ka gudba Mexico iyagoo rajeynaya inay gaaraan Mareykanka.

Inta ay jidka ku jiraan waxay inta badan dhibanayaal u noqdaan kooxo dambiilayaal ah oo abaabulan ama kuwa dadka tahriibiya. In ka badan 2,100 muhaajiriin ah ayaa lagu afduubay dalka Mexico sanadkii hore, sida uu sheegay machadka socdaalka ee qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Boqorka Bahrain oo Iran ugu baaqay inay joojiso faragelinta dalalka Khaliijka

Boqorka ayaa sidoo kale digniin culus u diray dadka u dhashay dalkiisa ee la shaqeeya cadawga shisheeye.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 11:51AM

Iran oo xukun daldalaad ah ku fulisay laba nin u basaasayeen Sirdoonka Israel 

Xiisadda u dhaxeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa gaartay meeshii ugu sarreysay bishii Febraayo ee sanadkan 2026.

  • Caalamka

    02-05-2026

  • 09:35AM