Meydkii loo gurman waayay ee Mootada lagu geeyay Isbitaalka

Image
Dhacdadaan ayaa laga soo wariyey gobolka caanka ah ee Madhya Pradesh ee dalka Hindiya.

NEW DELHI, Hindiya - Muwaadin u dhashay Hindiya ayaa gabadhiisa oo xanuunsanaysay u wacay isbitaalka iyada oo loo sheegay in aan loosoo diri karin Ambulance maadaama oo uu ka fog yahay.

Gabadhiisa yar oo da'deeda lagu sheegay 13-sano jir ayaa ku geeriyootay dhexda inta uu kusoo waday Mootada isaga oo meydkeeda keenay isla isbitaalkii.

Laxman Singh ayaa sheegay in maamulka isbitaalku ay u sheegeen in uu ka fog yahay 20 KM isla markaana aysan u dirin Ambulance-gooda in ka badan 15 KM.

Dhacdadaan oo laga soo wariyey gobolka caanka ah ee Madhya Pradesh ee dalka Hindiya ayaa caro ka dhalisay baraha bulshada iyada oo si wayn loo wareejiyay.

Shacabka ka falceliyey dhacdadan ayaa si weyn u canaantey maamulka isbitaalka, waxaana ay cod dheer ku dalbadeen in cadaaladda la marsiiyo "manaxayaasha u gurman waayay dhibanaha".

Laamaha gobalka ayaa sheegay in ay baaritaan ku bilaabeen dhacdada isla markaana la hubinayo haddii ay ka dhalan karto raad-raac sharciyeed iyo in la maxkamadeeyo kuwa ku lugta leh.

Hindiya ayaa kamid ah dalalka ay adeegyadda caafimaadka si siman u helin dadweynaha ku nool degaanada miyiga, waxaana la aaminsan yahay in tani ay sabab u noqotey dhimashadda dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM