Sacuudi Carabiya oo la dalbaday in la saaro xayiraad dhanka hubka

Image

BRUSSELS, Belgium – Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa dalalka xubnaha ka ah wuxuu ka codsaday in ay xayiraad dhanka hubka saaraan Sacuudiga sabab la xiriirta dilkii wariye Jamal Khashoggi iyo dagaalka Yemen.

Mudaneyaasha ayaa dhamaan xubnaha golaha ku booriyey in ay ku daydaan Jarmalka, Finland iyo Denmark, kuwaasoo hakiyey in ay hub ka beeciyaan Sacuudiga kadib khaarijintii saxafigaas caanka ahaa.

Xildhibaanada oo Khamiistii meelmariyey warbixinta dhoofinta hubka ee EU-da ayaa cunaqabateynta Riyadh ku qeexay "talaabo muhiima".

Sidda laga soo xigtay warbixinta, hubka laga iibiyo Sacuudiga, Imaaraadka iyo dowladaha kale ee kula jira dagaalka Yemen waxay u adeegsadaan dalkaas ay ku barakaceen 22 milyan kana jirto xaalad bini'aadanimo.

"Waxaan ku boorineynaa dowladaha kale ee Midowga Yurub in ay si deg-deg ah u qaadaan talaabadaas muhiimka ah si loo baajiyo waxyeelo kale oo soo gaara dadka shacabka," ayay ku yiraahdeen war-saxaafadeed.

Bishii October, 2018 ayay ahayd markii Jamal Khashoggi lagu dhex-dilay Qunsulyada Sacuudiga ee magaalada Turkiga ka tirsan ee Istanbul, halkaasoo meydkiisa lagu jarjaray "si loo daboolo caddeymaha dhan".

Maxkamad ku taala Riyadh ayaa bishaan September waxay xukuno dil toogasho ahaa ka khafiisisay ee eedeysaneyaal magacyadooda aan la baahin kuwaasoo la sheegay in loo maxkamadeeyo, waxayna ku riday xukun xabsi.

Howlgalka lagu dilay saxafigaan u shaqeynayey Washington Post ayaa lasoo wariyey in ay fuliyeen koox ka tirsan sirdoonka Sacuudiga.

Sacuudiga ayaa tan 2014-kii wuxuu ku lug-leeyahay Isbaheysiga Carbeed ee Yemen kula dagaalamaya falaagada ay Iiraan taageerto ee Xuutiyiinta, waxaana isku dhacyo inta badan ay waxyeelo kasoo gaaraan rayidka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM