Midowga Yurub oo dharbaaxadii ugu horeysay ku dhuftey Ruushka

Image
Golaha Yurub waxaa la aas aasay dagaalkii labaad ee aduunka ka dib si loo ilaaliyo xuquuqul insaanka iyo sharciga qaarada.

MOSCOW, Russia - Ruushka ayaa laga joojiyay xubinimadii golaha Yurub, sida Jimcada maanta ah uu warfidiyeenka u sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Talyaaniga, Luigi Di Maio.

Golaha Yurub waxaa la aas aasay dagaalkii labaad ee aduunka ka dib si loo ilaaliyo xuquuqul insaanka iyo sharciga qaarada. Waa gole ka duwan ururka Midowga Yurub.

"Guddiga Wasiirrada ee Golaha Yurub, oo Talyaanigu hayo madaxtinimada, ayaa qaatay go'aanka ah in Ruushka laga hakiyo xubinnimada," Di Maio ayaa sidaas ku yiri war-saxaafadeed.

Wuxuu ku daray: "Talyaanigu waxa uu u arkaa in tani ay tahay tallaabo lagama maarmaan ah marka la eego gardarrada aan la aqbali karin ee Ruushku ku hayo Ukraine, taas oo ka dhigan xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah".

Geesta kale, madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin oo kasoo muuqdey telefishinka dowladda, ayaa ugu baaqay militariga Ukraine inay awoodda kala wareegaan xukuumadda Zelenskyy.

"Waxaan mar kale ka codsanayaa xubnaha militariga ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine: ha u ogolaanina neo-Nazis iyo Ukraine xagjirka ah in ay carruurtiinna, xaasaskiina iyo odayaashiinna u isticmaalaan gaashaan bani'aadam," ayuu Putin ka sheegay kulan telefishan ah oo uu la yeeshay golaha ammaanka ee Ruushka.

Isaga oo u muuqda mid ka jawaabaya baaqa Zelenskyy u diray shacabka Ruushka ee ah in ay diidaan duulaanka, Putin ayaa ku daray "gacmihiinna ku qaata xukunka, waxaa noo fududaan doonta inaan heshiis gaarno".

Hadalka Putin ayaa yimid saacado kadib markii Zelenskyy uu ku booriyay ciidamada dalkiisa in ay iska xijiyaan ​​weerarka Ruushka. "Xoog ku hor joogsada, waxaad tihiin wax walba oo aan helnay," ayuu hoggaamiyaha Ukraine u sheegay ciidamada mar uu khudbad muuqaal ah u jeedinayay shacabka isaga oo xiran dareeska ciidamada.

Turkigu ma joojin karo maraakiibta dagaalka ee Ruushka ee soo galaya badda madow iyaga oo sii maraya ciribtirkooda, sida Ukraine ay codsatay, sababtuna waa qodob ku jira heshiis caalami ah oo u ogolaanaya maraakiibta inay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimaadeen, sida uu shaaca ka dhigay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga.

Xukuumadda Kyiv ayaa ka codsaday dhigeeda Ankara inay ka horjoogsato maraakiibta Ruushka inay maraan marinnada Dardanelles iyo Bosphorus ee u horseedaya badda madow.

Ciidamada Ruushka ayaa ka degay dekedaha Badda Madow iyo Azov ee Ukraine, taasoo qayb ka ah weerarkii Moscow ee ku qaadey deriskeeda. Duulaankan wuxuu galay maalintii labaad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dad badan oo ku dhintay Dab Ka Kacay Hoteel Ku Yaalla Turkey

Dabka ayaa ka bilowday qiyaastii 3:30 subaxnimo qaybta makhaayadda ee hoteelka, waxaana la baarayaa sababta dabka ka dambeysa.

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 02:32PM

Jariidada New York Times oo Ka Digtey Isticmaalka Cabsida ee Donald Trump si uu u Adkeeyo Xukunkiisa

Trump ayaa caan ku ah adeegsiga cabsi si uu u cabsi geliyo mucaaradka…

  • Caalamka

    21-01-2025

  • 08:57AM