Midowga Yurub oo raba inuu Trump kala wareego wadahadalka Nabada Ukraine

Image

LONDON - Reer Galbeedka ayaa isku khilaafsan qaabka loo xalinayo dagaalka Ukraine iyo cida hogaaminaysa wadaxaajoodka nabada ee lala galayo Ruushka, oo hadda Trump xiriir arintaas kala sameeyay, islamarkaana la filayo inay Sacuudiga ku kulmaan si ay iskula meel-dhigaan caqabadaha jira.

Ra'iisul wasaaraha UK Keir Starmer oo ka hadlayay shirka London ayaa u sheegay hogaamiyaasha reer Yurub in la joogo waqtiga ficilka, islamarkaanka Ukraine ay tahay arinteeda mid u taalla qaaradda, isagoo xusay in iyaga looga baahan yahay inay toos ula hadlaan Ruushka, oo meesha laga saaro Mareykanka.

"Ma joogno xiligii hadalka, waxaa loo baahan yahay ficil dhab ah inaan la imaano, oo xabad-joojinta Ukraine laga heli karo," ayaa yiri Keir Starmer.

Keir Starmer wuxuu tilmaamay inuu kala shaqeynayo France iyo dalalka kale sidii loo jeexi lahaa dhabaha nabada Ukraine, iyadoo qorshahana la kaashan doonaan Mareykanka, maadaama uu yahay dalka taageerada ugu badan siiyay dalkaas.

Kulanka London ayaa yimid kadib markii Trump iyo Zelensky  dood adag ku dhexmaray Jimcihii Aqalka Cad, iyadoo sababtay inuu Madaxweynaha Ukraine kasoo baxo goobta, isagoo caraysan, islamarkaana aanan saxiixin heshiiskii Macdanta uu u tagay Washington.

Mareykanka ayaa diiday inuu bixiyo taageero ka badan mida Midowga Yurub, iyadoo Trump qorshihiisa uu yahay inuu iska soo afkaro dagaalka, maadaama dhaqaale badan uga baxayo. Wuxuu ku yiri Zelensky ama heshiis qaado ama waa ka baxaynaa garabkiina.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo Duqeeyey 140 Bartilmaameed oo ku Yaalla Iran

Dhanka kale, Iiraan ayaa la sheegay inay jawaab ahaan weerarro ku qaaday Baxrayn, Qatar iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.

  • Caalamka

    13-07-2026

  • 09:44AM

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM