Midowga Yurub oo Ruushka ku qeexay "dal taageera argagixisada"

Image
Baarlamaanka EU-da ayaa meelmariyey qaraar lagu cambaareynayo "xadgudubyada" Moscow ka wado Ukraine.

LONDON UK - Baarlamaanka Yurub oo ku dhawaaqay in Ruushka uu yahay "dal maalgeliya argagixisada" ayaa sheegay in "weerarada" Moscow ee Ukraine ay ku xadgudbayaan xuquuqda aadanaha iyo sharciyada caalamiga ah ee bini'aadantinimada.

Sharci-dajiyayaasha Yurub oo kulan wadajir ah yeeshay Arbacadii shalay ahayd ayaa ansixiyay qaraarkan oo ay taageereen 494 xubnood, 58 ayna diiday, 44 kalena ay ka aamuseen.

"Weerarada iyo xad-gudubyada ula kaca ah ee uu Ruushka u geystay dadka rayidka ah ee Ukraine, burburinta kaabayaasha rayidka iyo xadgudubyada kale ee halista ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada waxay noqonayaan falal argagaxiso," ayaa lagu yiri qaraarka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa soo dhoweeyay codeynta, isagoo yiri, "Ruushka waa in laga go'doomiyaa heer walba oo lagula xisaabtami karo".

Zelenskyy ayaa ku booriyay Maraykanka iyo wadamada kale inay ku daydaan Midowga Yurub ayna ku eedeeyaan Moscow in ay beegsatay dadka rayidka ah, eedaymahaas oo horey Ruushka u diiday.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa horey cunaqabateyn aan horay loo arag ugu soo rogay Ruushka kadib markii uu bilowday duulaanka ka dhanka ah Ukriane.

Afar xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub - Lithuania, Latvia, Estonia iyo Poland - ayaa ilaa hadda u aqoonsaday Ruushka inuu yahay "dawlad kafaala qaada argagixisadda", sida laga soo xigtay Adeegga Cilmi-baarista Baarlamaanka qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo Maraakiib Shidaal ku gubtay Hormuz xili Trump soo saarey Digniin Culus

Waxa uu intaas ku daray in Tehran ay faafinayso sheegashooyin been ah oo ku saabsan maraakiib la weeraray iyo miinooyin badeed.

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 07:55AM

Baaritaanka Ilhaan Cumar oo galay marxalad cusub iyo muranka ka taagan dhalashadeeda Mareykanka

Dad badan oo qaxooti ahaan loogu wareejiyay Mareykanka ayaa aqoonsigooda lagu saleeyay….

  • Caalamka

    23-10-2026

  • 06:43AM