Midowga Yurub oo Ruushka ku qeexay "dal taageera argagixisada"

Image
Baarlamaanka EU-da ayaa meelmariyey qaraar lagu cambaareynayo "xadgudubyada" Moscow ka wado Ukraine.

LONDON UK - Baarlamaanka Yurub oo ku dhawaaqay in Ruushka uu yahay "dal maalgeliya argagixisada" ayaa sheegay in "weerarada" Moscow ee Ukraine ay ku xadgudbayaan xuquuqda aadanaha iyo sharciyada caalamiga ah ee bini'aadantinimada.

Sharci-dajiyayaasha Yurub oo kulan wadajir ah yeeshay Arbacadii shalay ahayd ayaa ansixiyay qaraarkan oo ay taageereen 494 xubnood, 58 ayna diiday, 44 kalena ay ka aamuseen.

"Weerarada iyo xad-gudubyada ula kaca ah ee uu Ruushka u geystay dadka rayidka ah ee Ukraine, burburinta kaabayaasha rayidka iyo xadgudubyada kale ee halista ah ee xuquuqda aadanaha iyo sharciga caalamiga ah ee bani'aadamnimada waxay noqonayaan falal argagaxiso," ayaa lagu yiri qaraarka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa soo dhoweeyay codeynta, isagoo yiri, "Ruushka waa in laga go'doomiyaa heer walba oo lagula xisaabtami karo".

Zelenskyy ayaa ku booriyay Maraykanka iyo wadamada kale inay ku daydaan Midowga Yurub ayna ku eedeeyaan Moscow in ay beegsatay dadka rayidka ah, eedaymahaas oo horey Ruushka u diiday.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa horey cunaqabateyn aan horay loo arag ugu soo rogay Ruushka kadib markii uu bilowday duulaanka ka dhanka ah Ukriane.

Afar xubnood oo ka tirsan Midowga Yurub - Lithuania, Latvia, Estonia iyo Poland - ayaa ilaa hadda u aqoonsaday Ruushka inuu yahay "dawlad kafaala qaada argagixisadda", sida laga soo xigtay Adeegga Cilmi-baarista Baarlamaanka qaaradda Yurub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM