Mike Pompeo oo loo karantiilay cabsi Covid-19 awadeed

Image

WASHINGTON, US – Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa karantiil galay ka gedaal markii uu la kulmay qof laga helay safmareenka Coronavirus, sidda ay warisay saxaafadda Mareykanka.

Waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo laga soo xigtay warkaas ayaan soo bandhigin fahfaahinta goobta, goorta iyo shaqsiga diblumaasiga ugu sareeya Ameerika qaadsiiyey fayruskan aadka u khatarta badan.

Sidda laga soo xigtay telefishinka ABC News oo wariyey karantiilka Pompeo, macluumaadkan oo idil waxaa loo qariyey "sababo gaar ah".

Inkasta oo natiijo la marsiiyey ay muujisay in laga waayey xanuunka, Pompeo ayaa karantiilka ugu sii jiraya si loo muujiyo taxadar dheeraad ah. Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibada wuxuu sheegay in xaaladiisa lala socon doono.

Sababtan awadeed, Pompeo ayaa ka baaqdey munaasabad balaaran oo loogu mahadnaqayey diblumaasiyiinta Mareykanka ee haya xilalka halista ah iyo qoyskooda taasoo qabsoomi lahayd Talaadadii todobaadkan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ayaan wali ka jawaabin su'aallo dhowr ah oo ku geedaaman xaaladda Pompeo oo ay kamid tahay waxa laga yeelayo kulanka Golaha Wasiiradda iyo balada kale ee uu lahaa diblumaasiga.

Mareykanka ayaa safka hore kaga jiray wadamada malaayiinka kiisas Coronavirus laga soo wariyey. Inkasta oo digniino ay jiraan, haddana shacabka waxay sii wataan noloshooda caadiga ah taasoo sare u qaadey walwalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM