Militariga Israa’iil oo isaga baxay deegaanka Janiin

Image

(GO) - Ciidanka Israa’iil ayaa ku dhawaaqay -maanta oo Arbaco ah in la soo afjaray hawlgal laba maalmood ka socday deegaanka Jeniin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la heysto.

Howlgalkaasi waxaa ku dhintey 12 qof oo u dhashay Falastiin, waxaana ku dhintay hal askari oo Israa’iili ah, sida ay sheegeen militariga Israa’iil.

Afhayeen u hadashay ciidamada Israa’iil ayaa u sheegtey mid ka mid ah wakaaladaha wararka in howlgalka uu si rasmi ah u dhammaaday, iyada oo cadeysey in ciidamada ay gabi ahaanba iskaga baxeen deegaankaas.

Howlgalka militari ee xerada Jeniin ka bilawday subaxnimadii Isniinta ayaa waxaa ka qeyb galay ilaa 3 kun askari Israa’iili ah. Howlgalkan ayaa qeyb ka ahaa weeraro loo adeegsaday diyaarado iyo 200 oo baabuurta dagaalka ah.

Cutubyo ka tirsan ciidamada kala duwan, kuwa nabad sugidda iyo kuwa xuduudaha ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay howlgalka.

Afhayeen u hadlay militariga Israa’iil oo wareysi siiyey Wakaalada Wararka ee AFP ayaa yiri “Howlgalkii Jeniin waxa uu ahaa mid adag, balse waan ka gaarnay ujeeddadii laga lahaa,” isaga oo intaas ku daray in ciidamadu ku qabqabteen 300-qof.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ka qeyb qaatey aaska meydadka 12 qof oo ay dileen ciidamada Israa’iil. 5 ka mid ah dadkaasi ayaa da’doodu ka yareyd 18 sano, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mojtaba Khamenei: "Mareykanka waa ka adkaannay, shacabka Iiraanna ha midoobaan"

Cadawga marka ay ku fashilmaan yoolalkooda, waxay doonayaan inay gudaha ka abuuraan fowdo iyo kala qaybsanaan.

  • Caalamka

    04-06-2026

  • 08:41AM

Dibadbaxyo ka socda Albania oo ka dhan ah mashruuc dalxiis oo lala xiriirinayo Jared Kushner

Mashruucan oo lagu qiyaasay $4 bilyan ayaa la sheegay inuu ku fidi doono qiyaastii 250 hektar oo ka tirsan deegaanka xeebaha la ilaaliyo.

  • Caalamka

    02-06-2026

  • 02:55PM