Militariga Ruushka iyo calooshood u shaqeysteyaasha Wagner oo isku-dhacay

Image
Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

MOSCOW, Russia - Madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha ah ee Wagner ayaa wacad ku maray inay ka takhalusi doono hoggaanka militariga Ruushka, oo uu ku eedeeyay inay weerar ku qaadeen ciidankiisa, halka dacwad oogaha guud ee Ruushku uu sheegay inay isaga ku socdo baaritaan ku saabsan " fallaagonimo hubeysan".

"Waan sii soconaa, waxaana tagi doonaa meesha ugu dambeysa," ayuu ku yiri cod farriin ah oo uu soo duubay Yevgeny Prigozhin, oo 62 jir ah.

"Waan burburin doonnaa wax walba oo inaga horyimaada," ayuu ku dara.

Waa caqabaddii ugu dhiirranayd ee uu la kulmay madaxweyne Vladimir Putin tan iyo markii uu billowday weerarka Ukraine sannadkii hore.

Waxa uu markii dambe sheegay in ciidamadiisa ay soo rideen diyaarad helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Ruushka.

"Diyaarad Helicopter ah ayaa hadda rasaas ku furtay goob ay ku sugnaayeen dad rayid ah. Waxaa toogtay cutubyo ka tirsan PMC Wagner," ayuu yiri.

Maamulka Ruushka ee ku sugan magaalada Rostov ee u dhow Ukraine ayaa ku booriyay dadka deegaanka inay guryahooda ku nagaadaan saaka oo Sabti ah, iyadoo madaxa kooxda calooshood u shaqeystayaasha Wagner uu sheegay in ciidamadiisu ay galeen gobolka xadka koonfurta.

VOA + GO

Related Articles

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM

Christiane Amanpour oo ku dhawaaqday inay ka tagayso CNN kaddib 43 sano

Waxa uu sheegay in telefishinku waqti siin doono u dabbaaldegga shaqadeeda iyo waxqabadkeeda ka hor inta aysan sannadka soo socda ka tegin.

  • Caalamka

    19-10-2026

  • 07:37PM