Imran Khan oo weerar afka ah ku qaadey reer Galbeedka
ISLAMABAD, Pakistan - Ra'iisul wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa dhaleeceeyay ergada reer galbeedka ee fadhigoodu yahay Islamabad, kuwaas oo todobaadkii hore doonayay in ay Pakistan ku cadaadiyaan in ay cambaareeyso weerarka Ruushka ee Ukraine, isaga oo waydiiyey wakiiladaas in weli u malaynayaan in Pakistan tahay "wadan ay adoonsadaan".
Madaxda 22 safaaradood oo ay ku jiraan kuwa Midowga Yurub ayaa 1-dii bishii March si wada jir ah u soo saaray warqad ay Pakistan kaga dalbanayaan in ay taageerto qaraar ka soo baxay Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaasoo lagu cambaareynayey gardarrada Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine.
Tallaabada lagu faafiyey warqaddaan ayaa ahayd naadir oo aan weli horey ugu dhicin.
"Maxaad Noo Maleyseen? Ma annagaa addoommadiina ah... oo wax walba aad tidhaahdaan sameyneyna?" Khan ayaa yiri hadalkaan mar uu ka hadlayay isu soo bax siyaasadeed.
Dhacdadan, Pakistan oo ah xulafada soo jireenka ah ee reer galbeedka, ayaa ka gaabsatay codayntii golaha guud ee Qaramada Midoobay ku cambaareyneyey Ruushka.
"Waxaan rabaa in aan weydiiyo safiirrada Midowga Yurub: Warqad caynkaas ah ma u qorteen Hindiya?" Khan ayaa yiri, isagoo ujeedkiisu ahaa in Pakistan oo xafiiltan ka dhexeeyo India ay iyaduna kaa aamustey u codeynta qaraarkaas.
Khan ayaa sidoo kale sheegay in wadamada Yurub aysan India ku cambaareyn falalka ay ka wado Kashmir, oo ah dhul buuraley ah oo Pakistan iyo India ay ku dagaalameen labo dagaal.
Waxa uu sheegay in Pakistan ay dhibaato soo gaartay sababtoo ah waxay taageertay xulafada reer galbeedka ee NATO ee Afgaanistaan ku duushey, taas badalkeeda dhaleeceyn loo gaystey.
Khan iyo dowladdiisa ayaa si weyn isha loogu wada hayay ka dib markii booqasho hordhac uu ku tagay magaalada Moscow dabayaaqadii bishii February xiligaas oo laga cabsi qabey in duulaan lagu qaado Ukrain. Ra’isal wacdaraha Pakistan ayaa kulankaas la kulmay Vladimir Putin iyadoo saacado yar ka dib markaas madaxweynaha Ruushka uu amar ku bixiyay in ciidamadiisa ay galaan Ukraine.
"Waxaan saaxiib la nahay Ruushka, sidoo kale waxaan saaxiib la nahay Mareykanka; waxaan saaxiib la nahay Shiinaha iyo Yurub; kuma jirno wax xero ah," Khan ayaa raaciyay, isagoo sheegay in Pakistan ay ahaan doonto "dhexdhexaad" ayna la shaqeyn doonto kuwa isku dayaya inay soo afjaraan. dagaalka Ukraine.
Jimcihii, afhayeen u hadlay xafiiska arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegay in aanay "caadada diblumaasiyadeed ahayn" in ergadu ay waraqdooda aysan aheyn iney baahiyaan , "taasna waanu caddaynay".
GAROWE ONLINE