Mohammadu Buhari oo loo doortey madaxweynaha cusub ee Nigeria

Image

March 31, 2015 (GO)- Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaaradka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa ku guuleystey doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacdey labo maalmood kahor.

Guddiga madaxa bannaan ee doorashada ayaa goor dhow shaaciyey natiijada iyagoo sheegay in guushu raacdey Buhari kadib markii  uu 2.1 milyan oo cod ka batey murashaxii ay tartamayeen oo isagu ah madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey Goodluck Jonathan.

Muhammadu Buhari ayaa helay 15.4 milyan oo kamid ah guud ahaan codadka la dhiibtey halka Goodluck Jonathan helay 13.3 milyan oo cod.

Waa markii ugu horreysey laga soo bilaabo sanadkii 1999 ee ay mucaaradka Nigeria talada dalka la wareegaan.

Buhari oo 72 jir ah waa jeneraal horay usoo hoggaamin jirey ciidamada dalka, wuxuuna taageero badan ka haystaa gobollada waqooyiga ee dadka muslimiinta u badani deggen yihiin.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaadey ayaa aqbaley natiijada doorashada isagoo u hambalyeeyey madaxweynaha cusub islamarkaana u rajeeyey guul.

Dadka Nigeria ayaa aad u daneynayey is-beddel, maadama dowladda Goodluck Jonathan lagu dhaliilayey musuq maasuq, hoos u dhac dhaqaale iyo inay ku guul dareysatey la dagaalanka kooxda Boko Haram.

GAROWE ONLINE+Aljazeera

Related Articles

Iiraan oo xirtay marin-biyoodka Hormuz, weerarna ku qaadey dalalka Khaliijka 

Iiraan oo sheegtay inay gantaallo iyo diyaarado ismiidaamin ah ku weerartay Jordan, Bahrain, Kuwait, Qatar iyo Cumaan.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 11:16AM

Taageerihii ugu weynaa ee Israel ee Senate-ka Mareykanka Lindsey Graham oo geeriyooday

Geerida Graham waxaa xaqiijiyay warbaahinno badan oo Mareykan ah, kuwaas oo soo xigtay bayaanka rasmiga ah ee xafiiskiisa.

  • Caalamka

    12-07-2026

  • 08:37AM