Mooshin kale oo laga keenay Jacob Zuma

Image

Xubno sarsare oo ka tirsan xisbiga haya talada dalka Koonfur Afrika ee ANC ayaa soo bandhigay mooshin ka dhan ah madaxweyne Jacob Zuma.

Mooshinkan ayay xubno fallaago ah oo ka tirsan xisbigan waxay soo hordhigeen kulanka golaha fulinta ee xisbiga, kaasi oo uu albaabsda u xiryahay isla markaana aan saxaafadda loo ogolayn.

Cadaadiska ka dhanka ah madaxweyne Zuma ayaa cirka isku sii shareeray kaddib markii mid ka mid ah wargeysyada dalkaasi ka soo baxa uu daabacay farriimo dhanka intarneedka ah oo sida la sheegay muujinayay in Zuma uu doonayo in uu dalka ka baxo isla markaana uu hooy ka dhigto magaalada Dubai.

Afhayeenka madaxweyne Zuma ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxa uuna ku tilmaamay kuwa been abuur ah oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda madaxweynaha.

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa in muddo ahba wajahayay dalab ah in uu xilka iska casilo sababo la xiriira fadeexado musuqmaasuq iyo sida uu u maareynayo dhaqaalaha dalka.

BBC

Related Articles

Trump oo Shirkii ugu horreeyay ee “Board of Peace” ku qabtay Washington 

Trump ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha guddiga ay ballanqaadeen $7 bilyan oo loogu talagalay dib-u-dhiska Gaza.

  • Caalamka

    19-02-2026

  • 08:30PM

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM