Mucaaradka Burkina Faso oo dibad baxyo cusub ku baaqay

Image

November 2, 2014 (GO)- Axsaabta siyaasadda ee Burkina Faso ayaa ku baaqay dibadbaxyo ballaaran oo maanta oo Axad ah dalkaas ka bilaaban doona loogana soo horjeedo go'aankii militerigu talada kula wareegeen labo maalmood kadib  markii la eryey Blaise Campaore oo mudo 27 sano ah dalkaas soo xukumayey.

Mucaaradka ayaa ku doodaya inaan sinaba loo ogolaan karin in militerigu xoog ku afduubaan kacdoonkii dadweynaha oo ahaa rajada keliya ee laga lahaa hanaan maamul oo dimuqraadi ah oo dalkaas ka hirgala.

Dhanka kale Midowga Afrika, Maraykanka iyo Faransiiska ayaa cambaareey tallaabada militerigu qaadeen iyagoo ku baaqay in talada sida ugu dhaqsaha badan loogu wareejiyo rayidka.

Hadalka kasoo yeeray axsaabta siyaasadda Burkina Faso wuxuu imaanayaa maalin kadib markii la shaaciyey in dalka si kumeel gaar ah usii hogaamin doono Kol. Isaac Zida oo isagu horay u ahaa taliye ku xigeenkii ilaalada gaarka ah ee madaxtooyada.

Ugu yaraan 30 qof ayaa geeriyoodey in ka badan 100 kalena way ku dhaawacmeen dibadbaxyo rabshado wata oo maalmihii u dambeeyey dalkaas ka dhacayey loogana soo horjeedey wax ka badel la doonayey in lagu sameeyo dastuurka si uu xukunka usii dheereysto madaxweynihii la ridey ee Blaise Campaore.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran oo gaarey Qatar 

Sheekh Xamad bin Khaliifa Aal Thaani ayaa geeriyooday Axaddii, waxaana dowladda Qatar ku dhawaaqday afar maalmood oo baroordiiq qaran ah.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 01:45PM

Israa’iil oo shan sano xabsi ku xukuntay askari lagu helay inuu basaas u ahaa Iran

Mas’uuliyiinta Israa’iil ma shaacin aqoonsiga askariga ama faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xogta uu la wadaagay Iiraan.

  • Caalamka

    15-07-2026

  • 10:51AM