Mufti Abdul Shakoor: Wasiirka diinta Pakistan oo ku dhintey shil gaari

Image
Shakoor ayaa ahaa xildhibaan ruug-caddaa ah oo ka tirsan xisbiga diiniga ah ee Jamiat Ulema Islam-Fazl.

ISLAMABAD, Pakistan - Wasiirka arrimaha diinta ee Pakistan, Mufti Abdul Shakoor, ayaa ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay caasimadda Islamabad Sabtidii, sida ay booliisku sheegeen.

Shilka ayaa dhacay kadib markii gaari kale uu ku dhacay baabuurka Shakoor oo marayay meel u dhow aqalka baarlamaanka, sidda uu booliska Islamabad ku sheegay Twitter-ka.

Waxaa loo qaaday isbitaal halkaasoo kalkii dambe ay dhakhaatiirtu sheegeen inuu dhintay. Booliska ayaa xusay in xabsiga la dhigay 5 qof oo uu ku jiro darawalkii gaariga ku dhuftay gaariga Shakoor.

"Wasiirka keligiisa ayuu ahaa, isaga qudhiisana ayaana watay gaarigiisa," ayuu warbaahinta maxaliga ah u sheegay taliyaha booliiska Islamabad, Nasir Akbar Khan.

Sawirro ay soo qaaday warbaahinta maxalliga ah ee Geo News ayaa muujinayay gaariga Shakoor oo burburay oo yaalla bartamaha waddada, oo ay ku hareereysan yihiin dad badan oo daawanayay.

Dhanka kale, Madaxweyne Arif Alvi, Ra’iisul Wasaare Shehbaz Sharif, iyo xildhibaano kale oo ka tirsan dowladda iyo mucaaradka ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin geerida Shakoor.

Shakoor, oo ah xildhibaan ruug-caddaa ah oo ka tirsan xisbiga diiniga ah ee Jamiat Ulema Islam-Fazl, ayaa loo doortay xubin ka tirsan aqalka hoose - Golaha Qaranka - doorashooyinka guud ee 2018.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ilhan Omar oo u mahadcelisay taageerayaasheeda kaddib baaritaan lagu sameeyay gurigeeda

Ilhaan Cumar ayaa muddo dheer ka mid ahayd dadka sida weyn u dhaliila madaxweyne Donald Trump iyo siyaasaddiisa socdaalka.

  • Caalamka

    21-10-2026

  • 05:22AM

Pete Hegseth oo kulan qarsoodi ah la yeeshay Netanyahu gudaha Israa’iil

Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in aysan isla markiiba si madax-bannaan u xaqiijin karin booqashada.

  • Caalamka

    20-10-2026

  • 05:36AM