Mugabe oo laga cayriyay shaqadii Xisbiga Zanu-PF

Image

Madaxweynaha waddanka Zimbabwi Robert Gabriel Mugabe, ayaa laga cayriyay shaqadii Xisbiga maamula dalkaasi ee Zanu-PF xilli ay cirka isku sii shareerayso qalalaasaha siyaasadeed ka taagan caasimadda Harare.

Wararka ayaa sheegay in hogaaminta xisbiga loo dhiibay ku-xigeenkiisii uu shaqada ka cayriyay labo Asbuuc ka hor Emmerson Mnangagwa, kaasoo sabab u ahaa mashaakilka waddankaasi ka taagan.

Wakaaladda wararka Reuters ayaa baahisay in xaaska Madaxweyne Mugabe Grace Mugabe lagala noqday dhammaan shaqooyiinkii ay ka haysay xisbiga Zanu-PF.

Grace, ayaa Saygeedu u waday inuu ka dhigo Madaxweynaha dalka Zimbabwi. Balse Qorshahan ayaa fashilmay markii ay isku dhaceen ku-xigeenkiisa oo khilaaf dhexmaray kadib shaqada laga cayriyay, taasoo dhalisay in arrinta ay faraha lasoo galaan Milatarigu.

Sabtii shalay ahayd Tobanaan kun oo qof ayaa dhigay dibad-baxyo ay ku dalbanayaan in xilka laga qaado Madaxweynaha waddanka soo hogaaminayay 37-ka sano.

Dhinaca kale, waxaa maanta oo Axad ah la filayaa in Mugabe uu la kumo hoggaamiyayaasha militariga, waxaana la arkayay gawaari ka soo baxaysa gurigiisa gaarka ah ee Harare.

Chris Mutsvangwa, oo Dagaalyahan hore islamarkaana Galaangal ku leh siyaasadda dalkaas, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in xisbiga talada haya isu diyaarinayo sidii ay Mugabe uga qaadi lahaayeen xilka madaxweynaha.

Xisbigu bannaanka masoo dhigin cidda uu ku badali doono.

Lama oga halka Xaalku ku dambayn doono, balse arrinta ayaa u muuqata mid faraha ka baxday kadib markii Xisbiga uu kasoo jeedo Mugabe kahor yimid in ninkan da'da ah [93 sano jir] uu sii hogaamiyo Zimbabwi, iyadoo lagu eedeeyay inuusan waxba ka qaban Waxbarashada, Caafimaadka iyo Dhaqaalaha intaba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM