Muhaajiriin ay Soomaali badan kamid tahay oo gacanta lagu dhigay

Image

LONDON, UK – Ciidamadda xuduuda ee Ingiriiska ayaa shaaciyey in ay qabteen 85 muhaajiriin oo Soomaali ay kamid yihiin. Soogalootiga ayaa gacanta lagu dhigay xilli ay doonayeen in ay UK ka galaan xeebta Kent.

Sidda uu wariyey Kent Online, shaqsiyaadkan oo ka kala yimid wadamo dhaca Aasiya iyo Afrika ayaa la socday lix doon oo kala duwan. Wadamada ay kasoo jeedaan waxaa kamida Yemen, Iran iyo Masar.

Shan dumar ah ayaa kamid ah magan-galyo doonayaasha la qabtay, kuwaas oo talaabada xigta ee laga qaadayo aysan caddeyn, marka laga reebo in kuwa horey loo qabtay la celiyey, qaarna xero la geliyey.

Chris Philp, wasiirka arrimaha socdaalka Britain, ayaa xusay in ay sii wadayaan talaabooyinka ka dhanka ah qaxootiga doonaya in ay kasoo talaabaan xuduudka. "Waa la xirayaa, waana la celinayaa," ayuu yiri.

"Faransiiska [oo xuduud la leh boqorooyadda UK] wuxuu is-hortaag ku sameeyay 200 isku day, kaliya asbuucii lasoo dhaafay," ayuu raaciyey.

Warbixinada ayaa sheegaya in qaxootiga la qabtay Khamiista maanta ah lagu hayo magaalada Dover ayna wajahayaan su'aallo waydiimo. Lama ogga haddii dib loo musaafurinayo sidii horey u dhici jirtay.

Sikastaba, qulqulka soo galootiga ayaa wuxuu u muuqda mid dib uga bilowday wadamadda qaaradda Yurub, maadaama tan iyo markii uu dilaacay safmareenka dunida heeganka geliyey ee Covid-19 uu hakad ku yimid.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM

Israel iyo Xuutiyiinta oo isweydaarsaday duqeymo cirka ah xilli xiisad ka jirto Badda Cas

Madaxweyne Donald Trump ayaa horey u amray weerarro waaweyn oo ka dhan ah Xuutiyiinta dalka Yemen.

  • Caalamka

    07-07-2025

  • 07:06AM