Muhaajiriin ay Soomaali kamid yihiin oo maxkamadeyn lagu bilaabay

Image

VALLETTA, Malta – Dowladda Malta ayaa la sheegay in bilowday in ay maxkamadeyso 18 muhaajiriin ah kuwaasoo ay qaar Soomaali yihiin. Shaqsiyaadkan waxay maxkamadda kasoo muuqdeen Jimcaddii lasoo dhaafay.

Sidda ay warisay saxaafadda, waxaa dhamaantooda loo haystaa rabshaddo Arbacadda todobaadkii hore ka dhacay magaaladda Hal Far halkaasoo la sheegay in ay ku waxyeeleeyeen hanti malaayiin Yuuroo ku kaceysa.

Soogalootiga oo la sheegay in ay maxkamadda ka hor-qirteen dacwadda lagu soo oogay ayaa kasoo kala jeeda wadamo ku yaala qaaradda hodanka ah ee kala ah; Mali, Ivory Coast, Somalia, Sudan, Guinea iyo Gambia.

Hasayeeshee, qareenkooda Martin Fenech ayaa ku difaacay in muhaajiriinta ay banaanbaxayeen isla markaana. Balse dacwad-oogeyaasha waxay ku doodeen in banaanbaxayaashu aysan dhibaato u geysan hanti.

"Maxkamadda waxay baahan tahay in ay kala saarto rabashado iyo banaanbax," ayuu Martin kusoo uruuriyey doodiisa difaacida qaxootiga.

Frendo Dimech, garsooraha maxkamadda, ayaa sheegay in xukunka lagu ridi doono shaqsiyaadkan ay ku qiimeyn doonan cadadka burburka hantiyadeed oo ay geysteen, wallow uusan muddeyn waqtiga xukunka.

Balse wuxuu carabka ku dhuftay in ay muteysan karaan inta u dhaxeysa hal sano, saddex sano, 22 bilood ama afar sano oo xarig ah.

Malta ayaa kamid ah dalalka ku yaala qaaradda Yurub ee sidda weyn u soo dhaweeya magan-galyo-dooneyaasha Soomaalida kamid tahay, balse waxaa aad u adag shuruucdan qarankan taasoo dhibaato kala kulmaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo shaacisay waqtiga la aasayo Ayatollah Ali Khamenei 100 maalin kadib dilkiisa

Waxayna inta dhexeyso 4-ta ilaa 9-ka Luulyo ka dhici doonaan magaalooyinka Tehran, Qom, iyo Mashhad.

  • Caalamka

    13-06-2026

  • 12:43PM

Trump oo Ku Dhawaaqay Dhammaadka Dagaalka Iran, Israa’iil oo lagala tashan

Horumarkan ayaa imaanaya iyadoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen iska horimaadyo iyo xiisado sii kordhayay oo u dhexeeyay Mareykanka.

  • Caalamka

    12-06-2026

  • 12:20PM