Muqdisho oo wajahaysa amni-daro xilli doorashada soo dhawaatay

Image
Falalka liddiga ku ah ammaanka ayaa kusoo badanaya magaala madaxda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya – Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho oo u diyaar garoobaysa martigalinta doorashada gudoonka labada aqal ee Baarlamaanka iyo tan madaxtooyada ayaa si joogto ah waxa uga dhacaya dilal ay gaysanayaan kooxo hubaysan oo wata dirayska ciidanka mana jirto ilaa hada cid wax ka qabatay.

12-kii saacadood ee ugu dambaysay waxaa magaaladda Muqdisho lagu dilay labo wiil dhalinyaro ah; mid waxaa gaystay ciidamo ka tirsan NISA halka kan kalana ay fuliyeen koox hubaysan oo dhac u gaysanaysay wiil ay dileen.

Cabdinuur Cabdullaahi Warsame Black, oo ka mid ahaa dhalinyarada ku nool Muqdisho, ayaa koox hubaysan waxa ay ku dishay Degmada Warta Nabadda ee Gobolkani Banaadir. Kooxda dilka gaysatay ayaa taleefon ka dhacaysay marxuumka sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

“Cabdinuur, kooxda dilay waxa ka dhacayeen taleefankiisa gacanta waa ay dileen taleefankiisa waa qaateen waxa uu ahaa aqlaaq badan oo dhamaan qoysku wada jeclaayeen” mid ka mid ah ehelada Marxuumka ayaa u sheegay Garowe Online.

Dhanka kale Ciidamo ka tirsan Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan qeybtooda Duufaan ayaa xalay fiidkii magaaada Muqdisho ku dilay askari ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya.

Askariga la dilay oo magaciisa lagu sheegay Axmed Cabdi Keydsane ayaa toogashadiisa waxa ay ka dhacday qeybo kamida xaafadda Suuqa Xoolaha ee duleedka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Dad goob-joogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dilka uu ka yimid kadib markii ay kala shakiyeen askariga la dilay oo uu la socday mid kale oo Haramcad ah iyo ciidamada Duufaan oo xiligaasi howlgalo baaritaana ah waday, waxaa la sheegay in is rasaaseyn kooban ay dhex martay labada dhinac.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ayaa ku waramay in gacanta lagu soo dhigay ciidamadii ka danbeysay dilka, haatanna su’aalo lagu weydiinayo mid kamida saldhigyada ku yaala gobolkan Banaadir.

Muqdisho, ayaa wajaheysa xaalad amni oo ka darran, midii ay magaaladu wehelka u ahayd, sanadihii la soo dhaafay, mana jirto cid muuqata oo masuuliyad iska saareysa dayaca amni ee jira, kaas oo culeys weyn ku haya shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo 100-200 oo Go'aano Culus ah Laga Filayo Maalinta ugu horeysa uu Xafiiska la wareego

Waxaa la filayaa in tallaabooyinkan ay ka abuuri doonaan dood ballaaran oo siyaasadeed iyo mid bulsho.

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 07:28AM

Falastiiniyiinta oo farxad ku jira iyo Isra’il oo sii daysay 90 Maxbuus

Is weydaarashada maxaabiista ayaa qeyb ka ah wajiga koowaad ee heshiiska xabbad-joojinta ee dhex maray Isra’il iyo Xamaas

  • Caalamka

    20-01-2025

  • 05:41AM