Muran ka dhashay Soomaali ay dileen bileyska Australia
CANBERRA, Australia – Booliska Australia ayaa dilay nin dhalinyaro ah oo asalkiisu yahay Soomaali kaasoo "geystay hanjabaad af iyo addinba leh," balse qareenkiisa uu sheegay in dhibanaha "uu qabay dhibaato dhanka dhimirka ah," sidda ay kasoo xigatay warbaahinta maxalliga ah Khamiista maanta ah.
Raghe Maxamed Cabdi oo 22 jir ah ayaa "ku hubeysnaa mindi" markii ay toogteen oo ay dileen askartu isagoo ku sugnaa waddo mashquul badan, ABC News ayaa werisay.
Iyada oo booliisku isku dayayo in uu muujiyo in dhibbanaha ay "horay u baareen ciidanka la-dagaallanka argagixisada," sidda warixinta xusayaan, qareenkiisu wuxuu ku eedeeyay mas'uuliyiinta "in ay qorsheynayaan in ay sidda ugu macquulsan ugu shaabadeeyay falkaas".
Saraakiisha ayaa helay Cabdi kadib markii ay heleen wicitaan wargelin ah oo ku saabsan nin ku socda waddo weyn, sidda ay tilmaamtay Tracy Linford, oo ah ku xigeenka taliyaha booliska Queensland.
Linford ayaa ku andacoodey in Cabdi uu lasoo baxay Toorey ka gedaal markii ay ku dhawaadeen askarta ayna kalkaas u adeegsaday qoryaha fudud.
Si kastaba ha ahaatee, Terry O'Gorman, oo ah qareenka Cabdi, ayaa ku doodaya in "ninkan dhalinyarada ah uu shalay iyo xalay la kulmay dhacdo aad u xun oo xagga maskaxda ah."
Horey waa loo faquuqay
Sida laga soo xigtay Booliska Federaalka Australia, Cabdi waxaa laga hor-istaagay inuu aado Soomaaliya bishii May 2019 sababo la xiriira tuhun ku aadan "in ay saameyn ku yeesheen fekradaha xagjirnimadda Daacish".
Sikastay ahaato, waa la sii daayay iyada oo aan wax dacwad ah lagu soo oogin cadeymo la’aan darteed, laakiin baasaboorkiisii waa lagala noqdey.
"Bishii Juun 2019, waxaa lagu soo oogay dambiyo dheeri ah, oo ay ka mid tahay inuu diiday inuu dhiibo nambarkiisa telefoonka gacanta," ayuu yiri Ian McCartney, oo ah ku-xigeenka taliyaha booliska federaalka Australia.
Cabdi ayaa lagu sii hayey xabsiga markii uu diidey "inuu u jawaabo garsooraha ama uu aqoonsado awooda maxkamada" balse damaanad ayaa lagu sii daayey bishii September.
Fahfaahinta ayaa intaas ku dareysa in hay'addaha ammaanka ay dabagal ku hayeen Cabdi tan iyo markii uu ka baxay jeelka.
O'Gorman, oo ah qareenkiisa, wuxuu carabka ku adkeeyay in ay aad u yar yihiin caddeymaha muujinaya in Cabdi la xagjireeyay.
"Markii uu aadayay Soomaaliya si uu u booqdo eheladiisa, waxaa la hayey 18 saacadood waxaana la baaray hadii uu u aadayo Soomaaliya inuu yahay dagaalameajnabi ah," ayuu daboolka ka qaadey.
Wuxuu ku daray: "Ma jirin wax caddeyn ah oo qiil loogu helayo xarigiisa 18-ka bilood ka dibna waligiis laguma soo oogin dambigaas."
Mas'uuliyiinta ayuu cod dheer ugu booriyey inay joojiyaan "dhaqanka xun ee lagu caayo [loogu gafayo] dadka ay dileen booliska".
"Qoyskiisu waxay i weydiisteen inaan si gaar ah farriinta u gaarsiiyo taliska booliska iyo in Raghe uusan sinnaba ugu lug lahayn argagixisanimo - Raghe shalay waxay si cad u soo gaartay dhibaato maskaxdeed oo xagga maskaxda ah," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay garyqaanka Terry O'Gorman marxuumka.
GAROWE ONLINE