Muwaadin Ameerikaan ah oo laga soo furtay dabley afduubatay

Image

WASHINGTON, US – Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamadda kumaandooska wadamadda Mareykanka, Nigeria iyo Nigeria ayaa la sheegay in Sabtida maanta ah lagu soo badbaadiyey muwaadin Ameerikaan ah, Philip Walton.

27-sano jirkaan Isniinta todobaadkii hore laga qafaashay hoygiisa magaalada Massalata ee Niger ayaa lagu waramay in dableyda ula dhaqaaqeen dhanka waqoyga Nigeria markii uu $40 uga jawaabay lacag ay waydiiyeen.

Sidda ay warisay saxaafada maxaliga, howlgalkan ay ka qeyb-qaateen lix askar Ameerikaan ah ayaa lasoo dedejiyey markii uu yimid walaac ku aadan in dableyda ay Walton ka iibsato kooxaha argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo xustey in Walton uu haatan ku jiro gacan ammaan ah ayaa daaha ka rogtay in la toogtay lix dabley oo haystay. Kooxda hubeysana ayay tibaaxdey in aysan xiriir la lahayn argagixiso.

Sidda laga soo xigtay bayaanka saxaafada loo diray, waxaa loo maleynayaan in dableyda ay ahaayeen burcad kaliya dooneysay lacag madax furasho ah.

Madaxweyne Donald Trump oo Twitter-ka u dabaaldegay soo furashadda Walton ayaa ku qeexay "guul weyn," isagoo ammaanay milatariga Mareykanka.

Mike Pompeo, wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka oo bogaadiyey howlgalkan aysan waxyeelo kasoo gaarin ciidamadda, ayaa carabka ku dhuftay in aysan daawan karin meel uu laheyste ku yahay shaqsi Ameerikaan ah.

Inkasta oo illaa haatan aanan fahfaahin buuxda laga hayn, haddana warbixno horudhac ah ayaa tibaaxaya in Philip Walton uu qoyskiisa kula noolaa magaalada Massalata isla markaana uu faafinayey caqiiqadda Kirishtaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qatar: Weerarka Doha waxaa sabab u ah fashilka Beesha Caalamka in lala xisaabtamo Netanyahu 

Qatar ayaa horey u xaqiijisay in weerarka lagu dilay xubno ka tirsan Hamas iyo askari Qatari ah, iyadoo cambaareysay ficilkaasi ay Israel ka gaysatay.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:53AM

Turkiga oo Beeniyay in Israel ay Bartilmaameedsatay Ciidamadiisa jooga Suuriya  

Wasaaradda Difaaca Türkiye waxay ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah tallaabo uga qaado Israel.

  • Caalamka

    11-09-2025

  • 11:37AM